Garoowe:-Kulan Balaaran ayaa Maanta waxaa isugu yimid Baarlamaanka Dowlada goboleedka Somaliyeed Puntland kulankaasi oo qaatay Waqti Gaaraya Saacado ayaa waxa looga hadlayey arimo badan oo ku aadan Xaaladaha maamulka puntland Haatan ka taagan,iyadoo ay Hormuud ka tahay Xaalada Deegaanka Laascanood iyo sheekgashadeeda ay ku loolamayaan maamulka Waqooyi galbeed ee la magaca baxay Somaliland.
kulankan ayaa waxaa looga arinsanayey Guud ahaan Difaaca Dowlada Goboleedka puntland waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa waxaa soo xaadirey Mudanayaal baarlamaan oo suurtagaliyey in uu qabsoomo fadhigaasi.

Baarlamaanka DGPL ayaa Sidoo kale ka baaqsaday Fadhiyo Hore oo ay ku balan sanayeen maalintii Doraad ahayd iyo shalaynab iyagoo kula Xisaabtami lahaa madax Wayne Cade Muuse isla mar ahaantaasina ku waydiin lahaa Su ,aalo ku aadan Maamulka Puntland iyo Mudadii 30 casho ahayd ee Loo qabtay waxa iska Bedeley Degaanka Laas Canood iyo Dib u so celintiisa.
Inkastoo ay waqti badan oo saacado garaya Baarlamanku fadhigoodan ku Howlanayeen hadana ma ay jirin wax go,aan ah oo si rasmi ah uga soo baxay shirkaasi,

Kulankan ay Maanta Baarlamaanku yesheen oo inta badan Saxaafada laga Hor isgaatay ayaa Waxaa gebagebadii kulankaasi Warbaahinta siiyey ku saabsan arimhii baarlamaanku ay Maanta ka doodayeen Gudoomiyha baarlamaanka maamulka Puntland Axmed calis Xaashi oo shegay inaan kulankani ahayn Mid maanta oo keliya ahaa balse Maalinta Beri ahna ay Fariisan donaan waxaana uu sheegay Axmed Calis Xaashi inay ku Gorfaynayeen Xaalado badan oo la xiriir Amaanka guud ee Maamulka Puntland iwm.

Maxamed Axmed Ciise

Maakhir.com

Bosaaso

Advertisements