Bosaaso:-Wasiirka Kaluumaysiga Dekedaha iyo khayraadka Bada ee Maamulka Puntland ayaa shaaciyay inay waajib tahay in Kooxdaasi afduubtay wariyaha Ajaanibka ah la siiyo Lacagta ay dalbanayaan,isaga oo sheegay in xaq loo leeyahay in wariyahaasi lacagta madax furashada ah laga qaado.Axmed Siciid Awnuur oo ah wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda ayaa saxaafada la hadalay waxana uu sheegay inay waajib tahay in la bixiyo lacagtaas ay sheeganayaan Afduubayaasha wariyaha Farnasiika ah ee ku xidhan duleedka Magaalada Bosaaso, isaga oo waliba aad ugu cel celiyay inay Madaxda Sare ee Puntland ay aad uga gaabiyeen ka shaqaynta soo daynta wariyahaasi.

Axmed Siciid Awnuur waxa daboolka ka qaaday inay Cade Muuse aad isgu maan dheefeen soo daynta wariyahaasi oo Cade Muuse sheegay in maxkama lala tiigsanayo taasi oo uu wasiirkaasi ku tilmaamay mid aan suuribi karin Puntland looga baahan yahay inay ninkaasi soo samatabixiso e ma ah buu leeyahay inay markaba shaaciyaan inay maxkamad la saarayo.

Mr Awnuur waxa uu sheegay in Amaanka Puntland uu aad uga soo darayo isaga oo sheegay in Hay”adda ah Ajaaniba ka ah lagu afduubayo magaalooyinka gudahooda kuwaasi oo aanay waxba ka maqan Lamaha Amaanka ee Puntland.

Wasiirkaasi ka hadalay wariyaha 10-cisho afduubka loogu haysto duuleedka Bosaaso ayaa ah wasiirkii dhawaan lagu bedelay Siciid Maxamed Raage oo ahaa wasiirkii Kaluumaysiga iyo Dekedaha Puntland oo isaga is casilay ka gadaal markii uu sheegay inay Puntland yeelatay dhawor Madaxwayne oo shaqadiisii ku Maamulay kuwaasi oo uu sheegay inay ka mid yahay C/laahi Siciid Samatar oo haataan ah wasiirka Amniga ayna aad isgu dhaw yihiin Cade Muuse marka la eego xaga jifida Hoose.

Dhanka kale Gudoomiyaha Hay”adda D.R.C ee Gobolada Puntland ayaa shalay shaqadii laga joojiyay ka gadaal markii ay Puntland ku eedaysay inay ninkaasi wariya ah ay D.R.C soo galisay Magaalada Bosaaso, waxana albaabka laysugu dhuftay Xafiisyadeed ay ku lahayd Gobolada Puntland.

Dadka ayaa saadilinaya inay Puntland log wayn ku leedahay Afduubka dadka Ajaanibka ah kuwaasi oo haba yaraatee aan wax xil ah iska saarin soo daynda shaqalaaha Ajaanibka ah ee Goboladooda lagu afdubo, iyada oo ay dhawaan ahay markii Markabka laga leeyahay France 9- Maal mood lagu haystay Dekeda Magaalada Bosaaso oo aanu Maamulka Puntland arintaasi waxba ka qaban ilaa ay duhur cad ka degeen Budhcadii afduubatay markabkaasi.

Jaamac Ayaanle

Makhir.com/ Bosaaso

Advertisements