Baydhabo:- Ilo wareedyo aad ugu dhaw xafiiska Raisalwasaare Nuur Cade ayaa sheegaya inuu soo geba gebeeyay wada tashiyo mudo socday kuwaasi oo uu Raisalwasaaruhu lahaa Siyaasiyiinta Somaliyeed,iyo waliba qaybaha kala duwan ee hogaamiyaal dhaqameedka Somaliyeed waxana ay aad uga lafa gurayeen soo dhisida Dawlad Cusub.

Warka aanu ka helayno magaalada Baydhabo ee fadhiga Baarlamaanka Somaliya ayaa waxay intaasi ku darayaan in Raisalwasaare Nuur Xasan uu kulankii ugu danbeeyay la qaatay Beesha Hawiye kuwaasi oo ka mid ah beelaha inta badan ku kala qaybsan so xulida Xukuumada cusub.

Sidoo kale Nuur Cadde ayaa kulan la qaatay dhinacyada beelaha Digil iyo Mirifle kuwaasi oo muran uu ka dhex taagnaa muran kaas oo ku saabsan cidii beeshaas u qaban lahay Booska kaga soo aada xukuumada uu dhawaan soo dhisi doono Nuur Cade ee ka kooban 18- Wasiir iyo 5-Wasiir xigeeeno

Dhamaan beelahaas uu kalanka la qaatay Raisalwasaare Nuur Cade ayaa waxa uu aad ugu booriyay inay iska ilaaliyaan wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo jaah wareer baahsan kaasi oo caqab ku noqon kara horo socodka Dawlada Federaalka Somaliya.

Dhawaan bay ahayd markii uu Nuur Cade daboolka ka qaaday inuu soo dhisayo Xukuumada cusub oo sal balaadhan, ka gadaal markii uu sheegay inay soo baxeen cabashooyin badan oo ka imanaya beelaha Somaliyeed kuwaasi oo ku andacoonaya inaanay ku qanasanayn qaabka loo soo dhisay Dawlada oo ah awood qaybsiga.

Si kastaba ha ahaatee Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ayaa sheegay inuu sugayo soo noqodka Madaxwayanha Dawlada Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed si uu goob joog uga ahaado Madasha lagu soo dhisayo Dawlada Cusub.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com/ Bosaaso

Advertisements