Durduri:- Wararka ka imanaya magaalada Dur Duri ee dhinaca Bari ka xigta Degmada Laasqoray ayaa waxay sheegayaan inay halkaasi cabashooyin badan soo tabinayaan Kaluumaysatada yar yar ee ka jilaabatada inta u dhexasya Dur Duri iyo Ceelaayo,waxayna sheegayaan inay jiraan Maraakiib Jariif ah kuwaasi oo xaalufinaya Badaha.

Warka aanu ka helayno Magaalada Dur Duri ayaa waxay intaasi ku darayaan inay dhawaan xeebta magaaladaasi joogeen maraakiib jariif ah kuwaasi oo bada ku haya xaalufka oo dhamaanba cagta mariyay khayraadkii ku jira xeebta, iyaga oo waliba ku jilaabanaya qalab aad khatar u ah oo aan loo is ticmaalin dabashada Kaluunka.

Maraakiibta jariifka ee xaalufka ku haya deegaanada Dur Duri iyo Ceelaayo ayaa waxa la sheegay inay qaarkood ay masuul ka yihiin Ganacsato reer Sanaag ah kuwaasi oo hashiis kula galay maraakiibtaas inay ka jilaabtaan xeebaha si ay u noqdaan Faaida wadaag.

Waxa la sheegay inay maraakiibtaasi Kaluunka u iib geeyaan wadamada Yeman iyo Thailand, waxana la cadeeyay shatiyo ama ogo laansho inay ka haystaan Maamulka Puntland kaasi oo farayay inay maraakiibtaasi ka jilaabtaan xeebaha Gobolka Sanaag.

Maraakiibtaas ayaa dhawr jeer khatar galiyay inay bur buriyaan Laashashka yar yar ee ka jilaabanaya xeebaha, iyaga oo ay shaqaalaha Laashashkaasi ay walaac xoogan ka muujiyeen qorsha ha Maraakiibtaasi.

Dhawaan bay ahayd markii Maamulka Maakhir uu soo saaray qoraal digniin ah kaasi oo uu u jiidinayo maraakiibta Jariifta wada kuwaasi oo ay ugu baaqeen inay farah kala baxaan xaalufka xeebaha Gobolka Sanaag, hadii kale Maamulku uu talaabo cad ka qaadi doono.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com/ Bosaaso

Advertisements