ciidan1.jpgAfhayeenka ayaa sheegay in Indha-cadde hanjabaadiisa uu ku  bartilmaameedsanayo koox qaldan, isla markaana aanay sax ahayn in Uganda ay ku baaqday dagaal ka dhan ah Somalia, markii ay cidamadeeda u soo daadgureysay Somalia ee ay ujeedkoodu ahaa inay ka qayb qaataan dadaalada Somaliya Nabada loogu soo celinayo.

Pandy Ankunda waxa uu sheegay inay ciidamada Uganda u joogaan Dalka Somaliya inay la shaqeeyaan Dawlada Somaliya si meesha looga saaro kooxa ha Dagaalada ka waday dalka Mudad dheer, isaga oo waliba ku cel celiyay inay sii joogayaan tan iyo inta dalka Somaliya laga dhalinayo nabad waarta.

Dhanka kale Ankuda waxa uu soo qaatay qorsha ah ciidamada Burundi oo uu sheegay inay la mid yihiin kan ay Somaliya u joogaan Uganda oo ay hal arin uun wadaan labadaasi Dawladood.

Geba gebadii Afhayeenkaasi waxa uu ugu baaqay Sh. Yuusuf Indha-Cadde inuu ka laabto Hanjabaadiisaa ka dhan ah Ciidamada Uganda iyo Burundi oo uu eego dhanka Amaanka Dalka iyo sida anu wax u wadno.

Bosaaso

Advertisements