Muqdisho:-magaalada Muqdisho ayaa waxa saaka Alaabka isugu dhuftay Maamulka Gobolka Hiraan kuwaasi oo sheegay inxudeyfi1.jpgay sii daysay Idaacadaasi warar ka dhan ah Dawlada Federaalka Somaliya kuwaasi oo la gu eedeeyay inay buun buuniyeen xaaladaha Dagaal ee ka jira magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Sida uu noo xaqiijiyay agaasimaha idaacadda Somaliweyn ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho C/raxmaan Xudeyfi waxaa saaka hawada ka baxay mid ka mid ah barnaamijyada idaacadda abaara 8: 50 subaxnimo taasi ayaa timi ka gadaal markii uu xafiiska idaacada soo wacay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo uu sheegay in la damiyo Idaacada oo hawada laga saaro.

Xudeyfi ayaa sidoo kale sheegay inay u hogaansameen amarka Maxamed dheere ayna isla daqiiqadii hawada ka saareen FM-ta idaacadda, isagoo tilmaamay in mar kale looga yeedhay Xafiiska duqa Degmada Muqdisho halkaasi oo lagu fara awaamiir loo qoondeeyay inay qaataan.

Dhanka waxa jira inay soo baxayaan warara sheegaya inay in xalay fiidkii Idaacada laga siidayaya Barnaamiji dood wadaag ah kaasi oo ay ka qayb qaateen Qaar ka mid ah Masuuliyintii Maxaakiibta.

Si kastaba ha ahaatee Maamulka Gobolka Banadir ayaa daboolka ka qaaday inay caadaysteen Idaacada ha ka shaqeeya Gobolka Banaadir inay faa fiyaan warara been abuur ha.

Makhir.com- Muqdisho

Advertisements