Bosaaso:- War deg deg ah oo haatan na soo gaadhay ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in dhawor daqiiqo ka hor la afduubtay laba ruux oo ka tirsan shaqaalaha Hay”adda ah M.S.F, kuwaasi oo ay afduubeen budhcad hubaysan lamana yaqaan ujeedka rasimiga ah ee ka danbeeyay afduubka shaqaalahaasi, Booliska ayaa wada baadhitaano xoogle.
Warkan afduub ah ayaa waxaa  xa qiijiyay inay jiraan Maamulka Gobolka Bari iyaga oo sheegay inay wadaan Baadhi taano xoogle oo lagu soo furanayo labadaasi Ruux oo ka haw gali jiray Hay”adda hay’ada MSF Spain  xafiiskeeda Magaalada Bosaaso.
Waxa la cadeeyay inay labadaasi  in laga afduubay iyaga oo ku sugan meel ay ku nool yihiin dadka soo barakacay halkaasi oo ay dadkaasi ku soo booqdeen, waxana is markiiba is weer ka qabtay Budhcad  aad u hubaysan.

Waxa magaalada Bosaaso ka socda Booq xoogan iyo Booliska oo magaalada gaaf wareegaya kuwaasi oo dhamaanba xidhay wadooyinka magaalada, waxa amar la siiyay Ciidamanka Kaantaroolka Magaalada Bosaaso kuwaasi oo la faray inay qabtaan budhacadaasi, walaw ay jiraan warar sheegaya inay Budhcadaasi ay shaqaalahasi ula dha qaa qeen jihada Bari ee magaalada Bosaaso oo ah dhul kayn ah.

Jaamac Feyte

Maakhir.com

Bosaaso

Advertisements