ugaadh.jpgDhahar:- Wararka haatan naga soo gadhaya magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Booxaaro ayaa waxay tibaaxayaan inay hawl gal balaadhan oo qaadeen Ciidanka ka hortaga xaalufka ee Degmada Dhahar ayay waxay gacanta ku soo dhigeen 3- Ruux oo la sheegay inay si badheedh ah dil ugu gaysteen Ugaadh, kuwaasi oo haatan ku xidhan Saldhiga Dhexe ee magaalada Dhahar.

Cumar Cartan Xaaji Faarax oo hogaaminayay Ciidankaasi ayaa saxaafada u sheegay inay ragaasi gacanta ku soo dhigeen kuwaasi oo mudo ciidanku ku raadjoogay laguna cadeeyay inay Ugaadha si Badheedh ah u toogtaan, waxana uu sheegay in xukunkeeda lagu qaadayo haatan lagu hayo Saldhiga Degmada Dhahareed.

Mr Cartan waxa uu sheegay inay Ciidanku Shalay qaadeen hawl gal balaadhan kaasi oo ay ku so af meerayeen dhibaatooyin laga soo tabiyay Soolka, iyo aagaga ku hareeraysan Degaanka Dhahar kuwaasi oo ay ka mid yihiin, dad caadaystay inay laayaan Ugaadha, iyo waliba Kaamam dhul hore laga dhisay, isaga sheegay inay guul ka gaadheen hawlahaasi oo dhan.

Ciidanka ka horta xaalufka ee Degmada Dhahar ayaa ah ciidan aad u qalabaysan kuwaasi oo dhamaanba cagta mariyay deegaanada laga shido dhuxusha ilaa ay ka gaadheen Guulo wax ku ool ah.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com/ Bosaaso

Feyte37@hotmail.com

Advertisements