hui.jpgIslamdbad:-Kumannaan kun oo dad murugeysan ah ayaa isugu ururay Koofurta dalka Pakistan, si ay u qaabilaan meydka hoggaamiyihii mucaaradka ahaa ee la dilay, Benazir Bhutto kuwasi  oo buux dhaafiyay wadooyinka Magaalada,waxana iyana halkaasi joogay dad badan oo Eheladiida kuwaasi oo ay wajiyadooda ka Muuqatay Naxdin.

Meydka Benazir Bhutto waxaa la geeyey tuuladii reer awooweyaasheeda si loogu aaso, wuxuuna aasku dhici doonaa goor dhow, iyada oo loo samaynayo aas Qaran, Kumanaan dad ah ayaa joogi doona Qabriga la dhigayo Haweenaydaasi, dhamaan Goobah Ganasica iyo waxbarahshada magaaladaasi ayaa la xidhay si ay dadku uga qayb qaataan AAska Mr Bhutt.

Beneazir Bhutto ayaa waxa la khaariyay Shalay gabal dhacii xili ay meel fagaara ah kula hadlaysay Taageerayaasheeda,waxana ay ku dhimatay Qarax la soo maleegay,walaw ay dadka qaarkiis sheegayeen in rasaas toosa lala beegsaday.

Geeridii Ms Bhutto mar kay timi  waxa xigay rabshado badan iyadoo ay taageereyaasheedu waddooyinka u soo baxeen qeybo badan oo ka mid ah Dalka Pakistan , gaar ahaan Punjab iyo gobolkii ay u dhalatay ee Sindh, halkaasi oo ay dadkaasi ka dhigeen Banaan baxyo rabshada wata kuwaasi oo dhagaxaan dhigay wadooyinka.

Rabshadahaasi ay dhigeen taageerayaasha Mr Bhutto ayaa waxa la cadeeyay inay ku naf waayeen 12- Ruux kuwaasi oo uu ka mid ahaa nin Boolis ah oo goobtaasi joogay.

Si kastaba ha ahaatee dilka Mr Bhutto ayaa waxa Canbaareeyay dhamaan Beesha Caalamka iyaga oo ku tilmaamay kuwa Falkaasi fuliyay kuwa ku dhaqmay waxashnimo.

 

 

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com/ Bosaaos

Advertisements