dagal.jpgMuqdisho:- Dagaal xun ayaa xalay ha dheeyay Caasimada Somaliya ee Muqdisho, dagaalkaas ayaa waxa la sheegay inay iskaga hor yimaadeen Ciidamada Dawlada Somaliya oo gacan wayn ka helaya kuwa Dawlada Itoobiya, iyo kooxa ha ka soo horjeeda siyaasada Dawlada Somaliya,waxana la sheegay inuu dagaalkaasi keenay khasaare lixaadle, oo dhamaanba bur buriyay boqolaal dhul laga dukaamaysto ah.Dagaalkaas ayaa waxa la soo sheegay inuu markii hore ka bilwaday, agagaarka Suuqa Bakaara aha ayaa noqday mid sii xoogaystay oo markii danbe laysu adeegsaday hubka noocaydiisa ka la duwan, waxana la soo tabinayaa in khasaaraha ugu badni gaadhay dadka Rayidka ah oo aan waxba galabsan.

Dad goob joogayaa ah ayaa saxaafada u sheegay inay arkeen maydka laba ruux oo meel wada yaal kuwaasi oo ay sheegeen inuu ku habsaday madfac habawah, dadkaasi waxay kaloo sheegeen inay arkeen goob ahayd dukaan oo uu ka baxayo Qiiq taasi oo ay sheegeen inay gubtay gabi ahaanba.

Dhanka kale mafac ay tuureen ciidamada Itoobiya ayaa ku dhacay deegaanka Suuq Bacaad halkaas uu ku xasuuqay hal qoos oo ka kooban Hooyo iyo Aabe iyo Shan Ilmood ay dhaleen, xili ay joogeen gudaha gurigooda.

Dagaalada ka socda Caasimada Somaliya ee Muqdisho ayaa ah kuwa aan marnaba qaboobayn,iyada oo ay mudooyinka Caasimada Somaliya ka socdeen dagaal qadhaadh,kuwaasi oo keenay Barakac iyo dhimasho fara badan oo soo fuud saartay Bulshada rayidka ah.

Maakhir.com

Muqdisho

Advertisements