nuur.jpgBaydhabo:- Warar hoose oo lagu kal soon yahay oo haatan naga soo gaadhaya magaalada Baydhabo ee xarunt u ah Baarlamaanka Somaliya ayaa waxay daboolka ka qaadayaan in aad loogu rajo wayn yahay in 48-Saacaadood gudahood uu Raisalwasaare Nuur Cadde ku dhawaaqo Xukuumada Cusub ee dhawaanahan laga  dhursugayay dhawaaqideeda.

Raisalwasaare Nuur Cadde ayaa waxa la sheegay inuu daqiiqada ka hor soo afmeeray wada tashiyo uu lalahaa Baarlamaanka Somaliya, iyo waliba waxgaradka Somaliyeed, kuwaasi oo aad ulafa guryay Dawlada Cusub ee dhawaan uu soo dhisi doono Nuur Cadde.

Ilo wareedyo lagu kal soonaan karo  ayaa sheegaya in laga soo xigtey Ra’isalwasaare Nuur Cade oo uu sheegay inau xukuumadani ka tayo fiicaanaan doono tii hore isla markaana ay ka tiro yartahay, Nuur Cadde waxa uu sheegay inuu markasta aanu ka fogaanayn tashiyada uu  la leeyahay siyaasiyiinta Somaliyeed si meesha looga saaro in khilaaf ha dheeyo xukuumada Cusub.

Xukuumadan Cusub ee uu soo dhisayo Nuur Cadde ayaa waxa lagu qeexay inay tahay 18-wiir iyo 5-wiir xigeeno, kuwaasi oo la cadeeyay inuu liiskoodii Nuur Cadde haatan uu gacanta ku hayo.

Warar si duul xul u soo gaadhay warbaahinta ayaa waxay sheegayaan in wasiirada Cusub 9-ka mid ah laga qaadan doono gudaha Baarlamaanka halka 9-kalena laga keenidoono dibada Baarlamaanka.

Ku dhawaaqid Xukuumada Cusub ee Somaliya ayaa haatan wax hortaagan imaatinka Madaxwaynaha  Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya, waxana la sheegay inuu goor dhaw soo gadhidoono Magaalada Baydhabo si uu goob joog uga ahaado Magcaabista Xukuumada Cuusb.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com.

Xafiiska, Bosaaso

Advertisements