cawaale.jpgBosaaso:- Wariye Cawaale Jaamac Salaad ayaa waxa u soo gashay Maalintii 10-xiliga oo ku jira gacanta ciidamada Taageesan Maamulka Puntland,kuwaasi oo ku haysta xabsiga wayn ee Magaalada Bosaaso duleedka ku yaala, waxa la soo sheegayaa inaan ilaa haatan wax maxkamad ah la horkeenin, Cawaale waxa lagu haystaa inuu xidhiidh dheeraad ah la sameeyay Kooxo Budhcad ah oo Afduub u haystay Nin wariye ah oo France ka soo jeeda.

Maamulka Puntland ayaa Cawaale Jaamac Salaad waxay ku eedeeyeen inay xidhiidh aad fiican la lahaa kooxii Afduubya wariyihii Farnasiiska ah ee Duleedka Bosaaso mudad dheer lagu haystay, waxay sheegeen Maamulka Puntland inuu sawiro iyo warbixino dheereed ah ka soo qaaday Kooxahaasi.

Maamulka Puntland ayaa Cawaale Jamaac Salaad jeelka  dhigay xili uu ku suganaan Gurigaasa, waxana la sheegay inay jir dil ku sameeyeen mudadii ay Jeelka u sii wadeen,  kuwaasi oo hagar daamo ka la daalay, wariyahaasi ma jiraan ilaa iyo haatan cid wax ka qabatay xadhiga Cawaale Jaamac Salaad.

Hooyadii Xaliimo Hiiraad oo aanu xidhiidh dheeraad ah la samaynay ayaa noo sheegtay inay aad uga wel wel san tahay xaaladiisa waxayna sheegtay inuu qabay xanuunka loo yaqaan Neerfo,kaasi oo ay sheegtay inuu halis u yahay inuu ku kaco marka loo eego meesha khatarta ah ee ku jiro wariyahaasi.

Dhanka kale Ururka Suxfiyiinta Aduunka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan  (CPJ) ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xadhiga wariyahaasi waxayna sheegeen inay Maamulka Puntland ugu baaqayaan inay xoriyadiisa u soo celiyaan wariyahaasi, hadii uu danbe galayna Maxkamad la soo taago,

Waxa xusid mudan inuu maalintii shalay warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha Ururka suxufiyiinta Somaliyeed (Nusuj) ninka lagu magcaabo C/saaq Shiikh Aduun isaga oo sheegay inay haboon tahay in wariyahaasi la sii daayo.

Jamaac Ayaanle

Maakhir.com

Bosaaso,

Advertisements