kenya.jpgNairobi:- Warar hoose oo haatan naga soo gaadhaya magaalada Nairobi ee xarnta Dalka kenya ayaa waxay shaaca ka qaadayaan inay jiraan rabshado Ba”an oo ka taagan guud ahaan Dalka keny, rabshadahaasi ayaa keenay khasaare Maal iyo Nafba leh, ka gadaal goortii xitaa dab la qabadsiiyay gooba laga dukaamaysto, boqolaal kale oo dad ah ayaa iyana la sheegay inay iyana dhinteen.

Ugu yaraan 124-ayaa ku dhintay rabshado ba’an oo ka dhacay dalka Kenya, kadib muran ka dhashay doorashooyinkii madaxtinimada ee todobaadkii hore ka dhacday waddankaasi, Telivisionka Dalka Kenya ayaa isana soo bandhigay tiro intaasi ka sii badan isaga oo soo xigtay xog dheeraad ah oo ay soo saareen Booliska Dalkaasi.

Rabshadaha ugu badan ayaa ka dhacay magaalada dhinaca galbeed ku taala ee Kisumu halkaasi oo ay ku badan yihiin taageerayaasha Raila Odinga,dad goob jooga yaal ah ayaa sheegaya inay Boolisku rideen Rasaas xoogan oo ay dadka kula baacsanayeen kuwaasi oo ay qaarkood xabadahaasi dad rayid ah haleeleen.

Madaxweyne Mwai Kibaki ayaa guddiga doorashooyinku ay ku dhawaaqeen inuu guuleeystay laakiin musharaxa sida wayn ula tartamayay ee mucaaradka Raila Odinga ayaa sheegay in doorashooyinka lagu shubtay oo ay gudiga doorashadu u xagliyeen dhanka Mwikibaki.

Dhulka ugu badan ee ay rabshadahaasi Dalka Kenya saameeyeen ayaa waxa ka mid ah Magaalada Xeebta ku taal ee Mombasa iyo magaalada Caasimaha ah Nairobi.

Jamaac Ayaanle

Maakhir.com