jibrii.jpgBadhan:Madax waynaha Dowlad Goboleedka Somaliyeed ee Markhir state ayaa Saaka Xafiiskiisa isgoo ku sugan Shaaca ka qaaday in Maamulka Maakhir state uu Sanad 2008 Soo bandhigayo Qorshayaal Caalamiya kaasi oo Maamulku uu ku Horumarinayo Midnimada Iyo Hanaanka Dowladeed ee Gobolkaasi.

Madaxwaynaha Dowalda Maakhir ee Somaliya Mudane Jibriil Cali Salaad ayaa waxaa uu sheegay inuu Haatan Wado Qorshayaal iyo Dedaalo Dheeriya ku waasi oo madax wayne Jibriil Ku Baadi Goobayo Horumarinta Mandaqada Reer Sanaag waxaana uu Madax waynuhu Sheegay in Shaqo aad u wanaagsan iyo Xiriir Dowladeed oo la taabankaro uu ka Dhexayo Dowlada Dalka Somaliya.
Waxaa uu Madax waynuhu Saakey Xafiiskiisa Madaxtooyada ee Badhan uu kaga waramay Warbixino dheer oo uu kaga hadlayo Qorsha Maamulka Maakhir Waxaana uu yiri Co.Jibriil Cali Salaad waxaana Doonayaa inaan u sheego shacabkayga iyo umada Mandaqadan ee Reer Maakhir in Degaanku yahay Muqadis jiritaankiisa kana taliso Maakhir Shaqsiyaadka Gaarka ah ee u adeega Dowaldaha Danaha Gobolka Xaqirayna waxaan u sheegayaa oo ugu Baaqayaa inay ka waantoobaan iyagoo xusuusan Sida Gobolka Wixii uu Xaq ulaa loo Geesmariyey.
Sidoo kale Madax wayne Jibriil ayaa waxaa uu dhaliicayn Wayn u soo jeediyey Madax waynaha Maamulka Waqooyi ee lamagacbaxay Somaliland waxaana uu jawaab kulul ka bixiyey aflagaado uu Dhowaan Daahir riyaale ku canbaarayey Madax waynaha Dowlada Somaliya Mudane C/Laahi Yuusuf Axmed Waxaana uu Daahir riyaale Hadalkiisa ka ga Jawaabey Daahir riyaale Xaq uma laha inuu aflagaadeeyo Hadal uu yiri Madax wayne C/laahi yuusuf oo ah Madax waynaha Qaranka Somaliyeed Xaqna umalaha inuu wax ka sheego Jiritaanka umada Somaliyeed Sidaa daraadeed Madaama aan Maakhir ahay Madax wayneheeda isla Mar ahaantaasina Maamulka Maakhir Dastuurka u dhigni uu yahay Mid la mida kan Dowalda Federalka ah waxaaan u aragnaa inay daahir riyaale Hadalkiisu yahay mid Samayn nugu yeelanay Sidaas awgood waxan ugu Baaqayaa ayuu yiri co.Jibriil inuusan isku deyen inuu wax ka sheego Hogaanka Shacabka Somaliyeed.

Wariyaha Madaxtooyada.

Badhan,