Laasqoray:- Magaalada Laasqoray ee xeebta dheerleh ayaan u kuur galay si aan uga ogaano xog dheeraad ah anaga oo booqanay goobo badan oo ah dhulka Muhiimka ah ee Deegaankaasi ku yalaa sida Iskuulada iyo Goobaha Caafimaadka, Garoonka Diyaarada iyo Buuraha magaaladaasi ku teedsan, waxa kale oo aanu Booqnay warshadadii hore ee Kaluunka ee lagu magcaabi jiray Rushka ama Ayeeyo.

Magaalada Laasqoray waxa ku nool Dad lagu qiyaasay ku dhawaad ilaa 2000, oo Ruux kuwaasi oo u kala Jarmaada goobaha Shaqada ee magaaladaasi ilaahay ku manaystay sida warashada Kaluunka ee Laskorey Fisheirs, iyo dad kale oo oo u kalaha Bada sidii ay uga soo jilaaban lahaayeen Kaluun.




Sida aad Sawirkaasi ku argtaan Gurigaasi waxa uu ka mid yahay guryaha Taariikhiga ah ee Magaaladaasi ku yaala isaga oo la cadeeyay in dhidibada loo taagay ilaa Qarani ka hor, isaga oo ahaa guriyaha markaasi laga dhisto deegaanadaasi nooca ugu qurxoon.



Magaalada Laasqoray waxa lagu tiriyaa inay safka hore kaga jirto Magaalooyinka Taariikhiga ah ee dalka Somaliya iyada oo ah Maagaalo Caan ah oo guud ahaan laga yaqaan Caalamka, dadka in badan joogay magaalada Laasqoray oo aanu la kulanay ayaa nooga sheekeeyay Magaaladaasi iyo goobaha Taariikhdaleh oo ku hareeraysan,waxaya sheegeen inay Laasqoray tahay magaalo xaga Cimilada aad u wanaagsan, oo ku fiican daaqa iyo deegaamaysigaba.



Goobaha ugu badan ee ay ka dhisan yihiin guryaha Taariikhda leh ee Magaalada Laasqoray ayaa ah meelo isku dhaw dhaw oo saaran xeebta si ay dadkii halkaasi deganaa ugu fududaato inay ka jilaabtaan khayraadka Ilaahay ku Nimceeyay xeebta Magaalada Laasqoray.



Qalacada halkaasi ka muuqata waxa la sheegay inay ka mid tahay goobihii uu deganaa Suldaan Maxamuud Cali Shire, isaga oo gurigaasi ahaa halkii uu fadhiga u ahady Suldaanka waxana lagu tiryaa inuu ka mid yahay guryaha ugu taariikhda wayn ee Magaaladaasi.

Dad ku aga dhawaa Gurigaasi Taariikhda lahe ayaa Noo sheegay inuu yahay mid adkasi badan oo in mudo ah taagaan isla markaan aanu roobku waxba yeelin,taasi ayaa lagu macnaynkaa Qaabka gurigaasi loo dhisay markiisii hore inuu ahaa kan ugu sareeya ee qarnigaasi wax loo Yagleeli jiray.

Muuqaalka Guud ee Degmada Laasqoray iyada oo ay muuqdaan dhirta loo yaqaan Dhamaska oo Kumanaan kor u dhaafaya kuwaasi oo bilcada magalaada ka qayb qaatay, dhirtaasi badan koodu ayaa ah kuwa kabaxay goobaha laysugu yimaado ee koonaha Magaalada iyo waliba Hareera ah wadooyinka Magaalada.

Dhanka kale Magaalada Laasqoray waxa ku teedsan Buuro waa wayn iyo waliba dhir xoon kuwaasi oo ku haboon dhaqashada xoolaha, iyada oo ay halkaasi degenaayeen Qaysas badan oo reer guur ah kuwaasi oo kaabiga u saaran Magaalada Laasqoray.

Buuraha ku teedsan magaalada Laasqoray ayaa ah kuwa cirka ku tolan waxana halkaasi hoos mara togog dhaadheer oo ay qol qolayaan Biyo Macaan,kuwaasi oo salhlaya beerashada Khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Mid ka mid ah Hoteelada la seexdo ee Magaalada Laasqoray kaasi oo lagu magcaabo Shaaca Hotel,waxa uu ka kooban yahay Hotelkaasi ilaa 120- Qol oo kuwaasi oo ah kuwa qalabaysan oo loo dhamaytiray adeegii uu lahaan jiray Hotel.
Daawo Sawiro Kale


Dhismihii Warshadii Hore ee Kaluunka Laasqoray


Muuqaalka Guud ee Warshadii Hore ee Kaluunka- 1964





Mid Kaluumaysada Laasqoray

Gaadiid ku jira Bada oo jilaabanaya Kaluun
Digniin:- Xuquuqda Sawirada Wax leh LaasqorayNet
Jaamac Ayaanle feyte/ LaasqorayNet