Laasqoray:- Dhawaan ayaan Booqnaya warshada Kaluunka ee Laasqoray Fisheries ee ku taala Magaalada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, warshadaas ayaa ah warshad aad iyo aad u qalabaysan oo ah Mid aad loogu diirsaday marka la eego dhanka Shaqaalaha warshadaasi ka shaqeeya iyo waliba wax soo saarkeeda oo ah mid Heer sare ah.Warshadaasi Kaluunka ee Laskorey Fisheries I.N.C ayaa ah mid soorta farsamooyin badan oo aan horay loo aqoon kuwaasi oo Kaluunka u soo saarto ilaa 10- Nooc oo kala duwan, waxayna warshadaasi adeegsataa Qalab aad Casri u ah iyo Gaadiid ay warshadu leedahay oo soo Jilaaba Kaluunka.Gaadiikaas ayaa ah mid aad ugu fiican u adeegsiga Jilaabshada Kaluunka, waxana ka shaqeeya Gaadiidkaasi Warshada Shaqaale aad xerfad dheeraad ah ugu leh sod Jilaabashada Kaluunka, kuwaasi oo ay warshada ka Taageertay Qaabka loo jilaabo Kaluunka oo loo tababaray.

Sida aad Sawirkaasi ku aragtaan warshada Laskorey Fisheries I.N.C ayaa h kuwa loo Dhoofiyo Caalamka Daafihiisa sida Qaaradaha Asiya, Yurub, America iyo Suuqyada waa wayn ee qaarada Afrika waxana ay warshadaasi, ay Kaluunka ay soo saarto ku dhoofiso Dalab ay ka helaan Caalamka iyo waliba Suuq Gayn ay iyagu sameyaan.

Kaluunak Warshada ayaa ah mid aad looga shaqeeyay intaan Dibada loo dhoofin ayaa la soo mariyaa Talaagadaha sida Qaboojiyaashada iyo Qalijiyaashada iyo kaydka kuwaasi oo looga gol leeyahay si uu Kaluunkaasi tayadiisu ay mid heer sare ah u noqoto.

Laskorey Fisheries INC ayaa waxa ka shaqeeya Shaqaale Ajaanib iyo Somali isugu jira kuwaasi oo aad ugu xeel dheer shaqada ay qabanayaan, shaqaalaha ayaa u kala Baxa Qaybta wax soo saarka, iyo Qaybta Qaliinka iyo Qaybta Bada, Qaybta Maamulka Guud waxa xusid mudan inay warshadaasi Joogaan Ilaalo gaar ah oo sugaya Amaanka warshada iyo Shaqaalaha oo idli walaw uu Deegaan Laasqoray yahay mid Amaan ah.

Gaadiidka ay Warshada Gaarka u leedahay

Sida aad Sawirkaasi ku argtaan Cudtubkaasi waxa uu ka mid yahay Gaadiidka ay warshadu Gaarka u leedahay kuwaasi oo ah kuwa loogu talagalay inay soo Jilaabaan Kaluunka Kala duwan ee Warshadu doonayso, iyaga oo ah kuwa ku cusub Deegaanada Somaliya.

Cutub ka mid ah Gaadiidka Warshada

Qayb ka mid ah Isla Gaadiidka Warshada oo markaasi ku jira shaqadoodii Caadiga ahayd kuwwaasi oo ah kuwa aad loo qalabeeyay, waxayna markii kaliya soo xereeyaan 7-Tan oo Kaluunka.

Nooca ka mid ah noocyada Kaluunka ee ay Warshadaasi Farsamayso noocaas ayaa waxa lagu magcaabaa Falayti, oo ah nooca isana dibada loo dhoofiyo.

Muuqaalka Guud ee Warshada

Muuqaalka Guud ee warshada ayaa ah mid baaxad wayn ku fadhiya, waxana jira Hangara waa wayn oo ah kuwa ay yaaliin Matoorada Dabka siiya warshada, waxa jira Qolal kale oo ah kuwa ay ay ku nastaan Shaqaalaha ka la duwan ee warshada iyo meelo kale oo ah Qolalka Maamulka Guud ee Warshadaasi.

Custub ka mid ah Talaagadaha Qaboojiya Kaluunka

Maareeyaha Warshada Laskorey fisheries INC Cabdi Nuur Sharkaamke Maxamed Xaaji (King Sharmaake) waxana uu tafaasiil dheer naga siiyay qaabka warshadu ay u hawl gasho isaga oo sheegay inay warshadani ay tahay mid ay aad loogu baahnaa iyada oo ay ka shaqeeyaan shaqaale Badan, waxa uu sheegay Masuulkaasi ka tirsan Warshadu inay soo saaraan noocyo badan oo ka mid Kaluunka.

Waxa uu sheegay C/ Nuur Sharmaake inay Mustaqbalka dhaw ay tiigsanayaan inay soo kordhiyaan Qabab kale oo Casri ah kuwaasi oo wax wayn ka tari doona Bulsha Somaliyeed gaar ahaan Dadka ku nool Deegaanka, isaga oo intaasi ku daray inay maalinba maalinta ka danbaysa ay soo kordhayso hormarka warshadu.

Maakhir.com

Jaamac Ayaanle Feyte/ Bosaaso