amb_frazer1.jpgNew York:-Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Mss Jendayi Frazer ayaa cambaareysay weerarada hubeysan ee ka soconaya Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,waxayna ku til maantay kuwa waxaasi wada inay yihiin kuwa aan doonayn in Dalka Somaliya uu xasiloJendayi Frazer waxay sheegtay inay aad uga xun tahay weerarka aan kala go”a lahyn ee lala beegsanaya Fadhiismihada Ciidamada Dawlada Federaalka Somaliya iyo kuwa ay saaxiibada yihiin ee Dalka Itoobiya,iyada oo sheegay inay ciidamadaasi wadaan sidii dalka looga dhalin lahaa Xasilooni.

Mss Frazer ayaa sheegtay in loo baahan yahay in laga gudbo dhibaatooyinka ku habsanaya shacabka Somaliyeed, taa oo sheegtay in loo marayo wada hadalo dhinaca nabada ah oo laga qeyb galiyo Mucaaradka Dowladda.

Waxay ugu baaqday Dawlada Somaliya inay fiiriyaan dhanka wada hadal si looga baxo Dagaalada ka oogan gudaha Dalka Somaliya,waxay sheegtay in Dawlada Somaliya ay ku haboontahay inay gol gol wada hadal ah u fidiyaam kooxaha mucaaradka ah si loo soo afjaro Dagaala mudada dheer oognaa.

Gebi gebadii Mss Jendayi waxay sheegay inay shacabka Somaliya ugu baaqayso inay ka qayb qaataan soo celinta nabada oo ay la shaqeeyaan Dawlada Somaliya iyo waliba Ciidamada nabad ilaalinta ah ee haatan ku sugan gudaha Caasimada Somaliya ee Muqdisho.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com/Bosaaso