ismo.jpgBosaaso:- Kulan balaadhan oo saaxafada daaha laga saaray ayaa maanta galinkii danbe ka dhacay Hoolka shirarka ee Guriga Gobolka Bari,waxana shirkaas ujeedadiisu koowaad ahayd in diirada lagu saaro Amaanka Guud oo noqday Tusbax afka laga furay,waxana joogay Madashii shirkaas Cade Muuse Xisre oo ku hadlayay Hogaanka Puntland,Isimo, Ganasato,Wasiiro iyo wasiiro Xigeeno.

Kulankan ayaa dhamaan masuuliyiintii kala duwanayd ee ka hadashay waxa ay carrabka ku adkeeyeen sida ay lama huraan u tahay in maamulka iyo qaybaha kala kuwan ee bulshada ay meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo wada falal Amaan daro ahan gacan birha dadka laga qabto.

Cade Muuse Xirsi ayaa kulankaasi isna ka hadlay waxana uu sheegay in Amaanka Puntland ay bur burinayaan dhalinyaro la soo hubeeyay oo ay dabada ka wadaan rag horay shaqada loo iryay,Cade Muuse waxa uu sheegay inay oga yahiin ka Maamul ahaan raga falalkaas oo dhan maleegaya ayna xitaa ku jiraa kuwa haatan xilal ka haya xukuumada balse Cade Muuse ayaa ka gaabsaday inuu ragaas uu farta ku fiiqay magcaabo.

Cade Muuse waxa uu wacad muray inay Booliska Puntland tooganayaan qof alaale qofkii lagu arko isaga oo maleegaya falal Amaan daro ayna fasax buuxa u haystaan inay waajibkiisa mariyaan.

Ismadii halkaasi joogay ayaa iyana jiliba u dhigay Cade Muuse iyaga oo soo bandhigay dhaliilo badan oo ay u soo jeediyeen Maamulka Puntland,kuwaasi oo Puntland ku dhaliilay waxyaabo badan oo ay ugu hurayso Deg dega lagu degay weerarka lagu qaaday guriga ay ku jireen dhalintii shalay ay dagaalameen Booliska Puntland waxayna sheegeen inay haboonayd in Odayaasha lala soo socodsiiyo ka hor intaanay Puntland qalabka dagaal u qadaan gurigaasi.

Gebagebadii shirkaas Amaanka guud ee Puntland lagu lafa guryay oo ahaa markiisii hore mid saxaafada daaha laga saaray, ayaa waxa markii danbe warbaahinta tafaasiil ka siiyay Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Gelle Yuusuf (faroole) waxan uu sheegay inay shirkaas aad looga wada hadalay arimo badan oo ay kow ka tahay Adkaynta Amaank, Mr Faroole waxa uu sheegay in shirkaas laysku af garatay.

Dhanka xaalada Guud ee magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa ah mid degan oo aanay ka jirin haba yaraatee waxa qaylo dhaan ah, ka dib Dagaaladii shalay ka dhacay magaaladii.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com