nurcade.jpgBaydhabo:- Raisalwasaare Nuur Xasan Xuseen ayaa waxa la filayaa inuu dhawaan soo gaadho magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, halkaasi oo aanu mudo tegin tan iyo intii jagada raisalwasaare loo dhaariyay, Nuur Cadde ayaa waxa laga soo xigtay inuu yiri inay dhamaan Xukuumadu ay gaadhidoonto Magaalada Caasimada.

Wararku waxa ay intaa raacinayaan in Nuur Cadde kulamada la filayo in uu la qaato duqoowda Muqdisho looga hadlayo sidii gacan loo siin lahaa xukuumadiisa iyo wax ka qabashada amaanka Muqdisho,waxa jira in Nuur Cadde sidoo kale uu wada xaajood uu la yeelan doono wax garadka Deegaanka Muqdisho.

Lama sheegin ilaa haaatan cid safarka Nuur Cadde ee ku tago Muqdisho ku wahelisa, in kastoo ay soo baxayaan warar sheegaya inay raaci doonaan xubno ka mid ah Golihiisa wasiirada.

Waxa jira Abaabul xoogan oo loogu diyaar garooba Nuur Cadde kaasi oo ka socda Magaalada Muqdisho, iyada oo ay Ciidamada Itoobiya la soo dhoobay gooba Cusub kuwaasi oo taakulaynayaa kuwa Dalka Itoobiya.

Tan ayaa ku soo beegmaysa xili ay qasan tahay Xaalka Magaalada Muqdisho oo ay jiraan Qaraxyo xoogan oo lala beegsanyo Ciidamada Itoobiya iyo waliba kuwa Dalka Somaliya.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com