London:- Mashruuca weyn ee dibu dhiska Dekeda Laasqoray ayaa maanta waxa uu galey marxalad cusub iyadoo Jaaliyada u dhalatey Maakhir ee ku sugan cariga UK siiba magaalada London ay bilaabeen iney uruurshaan qeyb ka mid ah dhaqaalihii ku bixi lahaa Dibu dhiska Dekeda.


Dadkii kasoo qeyb galey bixinta lacagta ayaa wejigooda waxaa laga dareemayey farxad iyo iney himiladoodu kor u kacsaneyd iyadoo ay dadku dareensanaayeen iney talaabo wanaagsan qaadeen.


Dibu dhiska Dekeda Laasqoray ayaa dadka reer Maakhir waxay u arkaan mid lagama maar maan ah iyagoo ku casumey Somali inteeda kale iney ka qeyb qaataan mashruucan oo ah mashruuc ka dhexeeya Somali weyn.


Dadkii khudbadaha ka jeediyey goobtaas ayaa waxay ku soo cel celinayeen erayo xanbaarsan wadaninimo iyo guubaabooyin ay isugu jiraan eynu ka mira dhalino mashruucan.


Sidoo kale waxaa lagu balamey in gudida Jaaliyada Reer Maakhir ee UK ay safaro shaqo ku maraan dhamaan magaalooyinka Waaweyn ee wadanka UK isla markaana dhiira gelin iyo guubaabeynba ay wadaan sidii lacagaha loo keeni lahaa.
Daawo Sawirada qaar ka mid ah dadkii bixiyey taakuleynta.