ciiidan.jpgGaroowe:- Ilo wareedyo aad loogu kal soon yahay oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa waxay noo xaqijiyeen in Madaxwayne Xigeenka Puntland Xasan Daahir Maxamuu (Afqudhac) uu maantta Booqday halka lagu magcaabo Tuka Raq, oo uu kala kulmay Waji gabax iyo Dhagax tuur xoogan, ka gadaal Ciidamada Puntland oo jiidaasi jooga oo ka biyo diiday Siyaasada Puntland.

Xogta aanu ka helayno Garoowe ayaa waxay intaasi ku daraysaa in Aqfqudhaca goortii halkaasi gaadhay lagala hor yimi  Dagaal iyada oo ay Rasaas ku rideen Ciidamadii Goobtaasi joogay,waxana lays dhaafsaday Rasaas teel teel ah oo in mudo soconaysay.

Xogata ayaa intaasi ku daraysa in Afqudhac uu qorshi hiisu ahaa inuu Ciidanka goobtaasi jooga uu u soo khubadeeyo isaga oo aan filanay waxa uu halkaasi kala kulmay oo ahaa  mudaharaad baahsan oo ay dhigeen Kumanaan Ciidanka Puntland ah oo jiidaasi joogay.

Ilaalada Khaaska ah ee Mr Afqudhac  iyo Ciidan tira badan oo goobtaasi lagu magcaabo Tuka Raq joogay ayaa fooda aakhirkii is daray kuwaasi oo laga soo tabinayo inay soo kala gaadheen Khasaare Baaxadleh.

Afqudhac ayaa waxa la sheegayaa inay Ujeedka kaliya ee looga mudaharaaday ay tahay Guul darada Puntlan ay maalinkasta ka soo hooynayso Dagaalka ay kula jirto Maamulka Somaliland, ciidamada qaarkood waxay ku andacoonayaan inaanay jirin wax Xidhiidh ah oo haba yaraatee ay la soo sameeyeen Masuuliyinta ka saraysa ee xukuumada Puntland kuwaasi oo iska hoganaya Caasimada Puntland ee Garoowe.

Waxa jira saad la “aan haysata ciidamada Puntland oo dhooban jiida hore ee Gobolka Sool taasina waxa lays oran karaa waa tan ugu wayn ee keenaysa inay Gadoodaan Kumanaankaas Ciidamada ah.

Tan ayaa ku soo beegmaysa xili ay sii laba li xaadsatay xiisada coleedeed ee u dhexaysa Labada Maamul ee Somaliland ee Puntland,iyada oo maalintii shalay ahayd galinkii danbe uu Dagaal ku dhex maray labadaasi ciidan halka lagu magcaabo Dhanba Saar ee ku taala dhanka hawdka ah ee Gobolka Sool.

Maakhir.com/ Garoowe