money1.jpgBosaaso-:- Sarifka lacaga ha qalaad ayaa cirka isku shareeray gudaha Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,waxana la soo sheegayaa inuu gaadhay halkii ugu saray, dhamaan Bulshada reer Bosaaso ayaa waxay ka cabanayaa saru kacaa ku yimi Dooralka,kuwaasi oo xukuumada Puntlad u soo jeediyo Baaq ah inay xaaladaasi wax ka qabtaan

.Heerka qabashada boqolkii doolar ayaa saaka ka gaaray suuqyada magaalada Boosaaso 2400,000 laba milyan Afar Boqol oo Kun, waxana ay sheegeen dadku inay tahay heerkii ugu saraysay ee uu waligii Gaadho.

Qiimo kororka ku yimid lacagta doolarka ayaa wuxuu sidoo kale saameyn weyn ku yeeshay noocyada kala duwan ee maciishada sida burka, bariiska, saliida iyo waliba waxyaabaha kale sida Shidaalka.

Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha ee Dawlad Goboleedka Puntland C/samad Yuusuf Max’ed (Abwaan) ayaa maanta ka hadalay Kuru kacaa ku yimi lacagta qalaad waxana uu sheegay inay Masuul ka yihiin shakhsiyaad yar oo kuwaasi oo ah buu yiri Ganacsatada Bedesha Lacaga ha qalaad, Mr Abwaan waxa uu sheegay inay Maamulka Puntland ay gacan ku qaban doonaan.

Wasiirka ayaa ayaa aad uga leex leexday in uu ka jawaabo Su”aal la waydiidayay oo ahay inay jiraan warshadu lagu farsameeyo lacaga ha qalaad kuwaasi oo ku yaala gudaha Puntland waxana uu sheegay inay waxba ka jirin Warshadahaasi.

Maamulka Puntland ayaa dhawor jeer dhexda u xidhay inay baajiyaan waxa keenaya sarukaca lacagaha qalaad iyaga aakhirkii ku guul daraystay inay wax ka qabataan arintaasi oo noqotay mid ay aad walaac uga muujiyeen dhamaan Bulshada Reer Puntland.

Maakhir.com

Xafiis,ka Bosaaso