uburco.jpgBosaaso:- Mudaharaad baahsan ayaa waxa la filayaa inuu sacadaha soo socda ka dhaco gudaha magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari,mudaharaadkaas ayaa waxa la qeexay in lagaga soo horjeedo sicir bararka baahsan oo ku dhuftay Gobolka Puntland iyada oo ay wadooyinka Magaalada Bosaaso saaka lagu arki karayay Kumanaan ruux oo sida Buudhadh ay ku qoran yihiin sida ay uga xun yihiin Sicir bararkaas.

Dhamaan Goobaha Ganacsiga ee magaalada Bosaaso ayaa saaka xidhan sida Xawilaadaha iyo waliba goobaha kale, waxana goobahaasi loo xidhay sidii ay dadka oo dhami uga qayb qaadan la haayeen Mudaharaadkaasi.

Dhamaan dadka oo dhan ayaa waxay joogaan wadooyinka dhex mara magaalafa Bosaaso, inta badan dadka ayaa jooga Irada hore ee Dawlada Hoose, iyo waliba Suuqa sarika.

Shacabka ayaa waxay sheegeen inay mudaharaadkaasi ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan Sara u kaca Lacaga ha qalaad oo saamayn wayn ku yeeshay Badeecada.

Waxa jira warar kale oo sheegaya in Maamulka Puntland oo diiday inuu qabsoomo Mudaharaadkaasi iyaga oo ku macneeyay inay dhacayaan Rabshado baahsan, wadooyinka ayaa waxa lagu arkayaa Ciidamo Boolis ah kuwaasi oo la soo qobay wadooyinka.

Isku soo duuboo reer Bosaaso ayaa waxay u soo tafa xayteen saaka inay sameeyaan Banaan baxa xoogan ka gadaal goortii ay dadkii maceeshadii ku tagtay meel sare oo aad qaali ah.

Maakhir.com/ Bosaaso