cawaal.jpgBosaaso:- Wariye Cawaale Jaamac Salaad ayaa maanta Galinkii hore waxa lagu sii daayay damaanad,waxana arinkaasi daboolka ka qaaday Gudoomiyaha Maxkamada Daraja joowaad ee magaalada Bosaaso Maxamed Cabdi Awaare.Wariye Cawaale ayaa wuxuu ku jirey xabsiga magaalada Boosaaso mudo 23 maalmood ah, isagoo u xirnaa arimo ay ku sheegeen ciidamada Booliiska in uu faafiyey sawiro uu ka soo qaadey filim qaade u dhashey wadanka Faransiiska oo ay kooxo hubaysan bishii hore afduub ugu geysteen magaalada Boosaaso.

Cawaale Jamaac Salaad oo saxaafada war siiyay goortii daaha laga qaaday xabsigii uu ku jiray mudadaasi ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in maanta damaanad lagu sii daayo.

Maakhir.com/ Bosaaso