kkkkkkkkkkk.jpg Bosaaso:- Baabuur ay leedahay Hay”adda Horn-lief iyo Baabuur kale ayaa galabta isku dhacay iyaga oo wada qaadayay wadad laamiga ah ee laga soo galo magaalada Bosaaso, Baabuurtaasi isku dhacday ayaa waxa la soo sheegayaa inay soo kala gaadheen khasaare xoogle, ma jiraan cid ku dhimatay balse waxa jira dhaawacyo fudud.
Wararka ku saabasan shilka Baabuurtaasi ayaa waxa uu intaasi ku daraya inay labadaasi Gaadhi ay isku dhaceen xili ay xoog labaduba iso conayeen, waxana la soo sheegayaa in rikaabkii saarnaa Gaawaadhidaasi ay soo gaadheen dhaawacyo Fudud.
Rikaabkii saarnaa Baabuurka Hay”adda Horn-lief ayaa waxa la soo tabinayaa inay  xaaladood aad u wanaagsan tahay  oo aanay jirin wax laf wayn ka jabay, waxa xusid mudan  inay noo  suura gali wayday inuu Khasaaraha Baabuurka kale ogaano sababa la xidhiidha Is gaarsiinta oo aan meeshaasi ka shaqayn.
Dhanka Hay”adda Horn-lief ayaa wax laga soo tabinayaa inay dadka dhaawacmay ay ka mid yahay  Sidiiq Axmed Xaaji Cali oo ka mid ahaa hawl wadeenada Hay”addaasi walaw ay xaaladiisa caafimaad meel wanaagsan marayo.
Xidhiidh kala gadisan oo aanu la samayn dhakhaatiirta Goobaha caafimaad ee dadkaasi la keenay ayay waxay noo sheegeen inay dadkaasi dhamaantooda y xaaladooda caafimaad meel wanaagsan marayso laguna wado wali daawayn dheeraad ah.
Shilkan ayaa yimi xili ay magaalada Bosaaso ka jiraan Dabaylo xoogan oo aan si fiican wadayaashu baabuurtu aanay u arag jidka ay marayaan,walaw  dareewalada qaarkood lagu eedeeyo inay Baabuurta si xawli ah ku ka xeeyaan.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com

Advertisements