alpha-oumar-konare-1-2.jpgAdisababa:- Ururka Midawga Afrika ayaa shaaca ka qaaday inay wakhti dheeraad ah ku dareen Ciidamada ka socoda Amissom ee Jooga Gudaha Magaalada Caasimada ah ee Muqsdiho,iyaga oo intaasi ku daray inay ciidamaaasi ay sii wadayaan hawlahooda shaqo, isla markaan ay lagu soo kordhindoono ciidamo kale oo dheeraad ah.

Madaxa Midowga Afrika Mr Alpha Konare ayaa Baaq uu soo saaray ku sheegay in wakhtiga loo dheereeyo ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya arintaasi ayaa waxa uu Mr Konare ku tel maamay mid keeni karta in Dalka laga dhaliyo Nabad buuxda.

Mr.Konare ayaa ku dhaliilay Dowladaha Midowga Afrika in ay ka gaabiyeen dhameystirka Ciidamadii horey loo qorsheeyey in Soomaaliya la geeyo ee gaarayey 8000 oo  Askari kuwaasi oo ay wali sugayaan Madaxda Dawlada Faderaalka Somaliya.

Mr Konare ayaa sheegay inay lix bilood oo danbe ay Ciidamada Amissom sii joogi doonaan Gudaha Dalka Somaliya kuwaasi oo  halkoodii ka soo anba qaadaya shaqooyinkii ay hayeen ee ku aadanaa soo Celinta Nabada Dalka Somaliya.

Dalka Somaliya ayaa waxa horaantii sandkii aynu soo dhaafnay lagu soo daad gureeyay ciidamo ah Nabad Ilaalin kuwaasi gaadhaya ilaa 1900- Askari oo ka socda Dalka Uganda iyo 190- Askari oo iyana metelaya Dalka Burunid, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya nabad ku soo dabaalida Dalka Somaliya.

Waxa la filayaa in Isbuuca fooda inuku soo haya Dalka Somaliya la keeno ciidamo gaadhaya 850- Askari  kuwaasi oo lagu xoojinayo kuwii hore u jooga Caasimada Muqdisho.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com/ Bosaaso