kkkkk.jpgBosaaso:- Gudoomiyaha Gobolba Bari Muuse Gelle Yuusuf (Faroole) ayaa maanta ka hadalay Sicir bararka baahasan ee ka jira guud ahaan Gobolada Puntland isaga oo soo indha indheeyay suuqyada lacagaha lagu Sarifto iyo waliba goobaha Ganasiga ee ugu waa wayn magaalada Bosaaso.

Muuse Gelle Yuusuf (Faroole) Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa maanta isaga oo kor meer ku maraya goobaha Ganacsiga ee magaalada Bosaaso waxa uu warbaahinta siiyay waraysi isaga oo sheegay inay dhawaan ka Maamul ahaan ay wax ka qabanayaan Sicir bararkaas baahsan ee laga qalinayo.

Mr Faroole waxa uu sheegay inay dhamaan shacabka Maamulka Puntland ay ka cabanayaan Sicirarkaasi waxana uu sheegay inuu xitaa saameeyay dhakhligii Dawlada u soo xoroon jiray kaasi oo ay ku adkaatay inay dadkii Alaab dhoofsadaan ama ay la soo Degaan.

Faroole waxa uu sheegay inay maanta goobo badan ay Qoobka galiyeen si ay bal dadka u dhuuxaan cabashooyinkooda, isaga oo farta ku fiiqay inay dadka ugu badan ee uu sameeyay Sicir bararkaasi uu yahay Dadka Saboolka ee soo barakcay kuwaasi oo aan haysan haba yaratee wax kayd ah oo ay Cunaan.

Maamulka Bangiga Bosaaso Muuse Xuseen Ducaale ayaa isana ka hadlay Sicir bararkaasi waxana uu sheegay inay dhawaan Maamulka Puntland ay taloobiyin hoos loogu dhimayo soo saarayaan.

Tan ayaa ku soo meeg maysa xili uu Cade Muuse maanta saxaafada isna la hadalay isaga oo Ujeedkiisu ahaa inuu ka hadlo Sicir bararkaasi xoogan ee dhamaan Puntland dhulka Baasha u dhigay.

Dhamaan Magaalooyinka waa wayn ee Maamulka Puntland ayaa aad looga Cabanayaa Sicir bararkaasi iyaga oo dadka markaa waraysato ay Maamulka Puntland dhaliil u soo jeedinayaan.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com