nasralah.jpgPairut:-Hogaamiyaha Ururka Xisbolah Sheekh Xasan Nasrallah oo maalinkii shalay ka qudbeeyay goob ay isugu soo bexeen dadweyne aad u fara badan una badnaa taageerayaashiisa ayaa sheegay in ey hayaan meydad askar Israel ah oo ay uga qabsadeeb dagaalkii ugu danbeeyay ee iyaga iyo Israel ku dhex maray xuduuda Lubnaan iyo Israel.

Shiikh Nasrullah waxa uu sheegay inay hayaan Cadaymo sheegaya inuu Maydka Askarigaasi yahay mid ka tirsan ciidamada Dalka Israil ayna kaga dileen Dagaalkii Ugu danbeeyay ee dhex mara  Mujaahindiinta Ururka Xisbilahaa iyo ciidamada Dalka Irail.

Shiikh Nasrallah ayaa ah nin aad uga caan ah dalka Israel islamarkaana shacabka Israel ay ka baqaan magaca isaga oo dhawor jeer sheegay inay Jabin doonaan ciidamada Dalka Israil hadii ay faraha la soo galaan.

Maakhir.com/ Xafiiska Bosaaso


 

Advertisements