kon.jpgKismaayo:- Wararka aanu ka helayno magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxay daboolka ka qaadayaan inay maanta galinkii danbe halkaasi ka soo Degeen wafti balaadhan oo ka socoda Q.M kuwaasi oo ujeedkoodu ahaa inay xog buuxda ka qaadaan dadka deegaankaasi bal sida ugu haboon ee Ciidamada Bedela kuwa Midawga Afrika loo keeni lahaa Somaliya.

Waftigaas ayaa markiiba waxay shir Deg Deg ah la qaadeen  Siyaasiyiinta iyo waliba Wax garada beesha gacanta ku haysa magaalada Kismaayo kuwaasi oo is dhaaf saday oraah muhiim ah, waxa la sheegay inay waftigaas iyo wax garadka ay  la kulmeen ay isla soo qaadeen arimo badan oo muhiim ah, kuwaasi oo ay ugu wayntahay sida ay u arkaan in ciidamo ka socoda Q.M lagu bedelo kuwa haatan jooga gudaha Muqdisho.

Hogaamiyaha waftiga Q.M Mr.Yan ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay xaalada udarsilahaayeen ,markaasna ay u ogaalan laheeyeen Meelaha ay booqanayaan waxa ay dadku ka qabaan arimaha ciidamo la keeno Soomaaliya kuwaasi oo lagu bedeli doono kuwa haadan jooga Dalka.

Mr Yan waxa uu sheegay inuu aad ugu rajo wayn yahay inay shacabka Somaliya taageerayaan in ciidamo ka socda Q.M la keeno Somaliya, kuwaasi oo wax wayn ka tari doona soo celinta Nabada Dalka Somaliya.

Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada ee Beesha Sade ayaa warbaahinta la hadalay goortii uu shirkaasi dhamaaday waxan uu sheegay inay aad ugu soo af garteen iyaga iyo waftigaasi dhamaan wixii ay isla soo qaadeen oo dhan.

Dhanka kale waftigaasi ka socoda UN-ka ayaa Booqday isla maanta Dekeda wayn ee magaalada Kismaayo taasi oo aan in mudo ah shaqayn ka dib markii ay Malayshiyo Beeleedyo xidhiidh wadadii gaadiidku Dekeda ka soo Gali jiray.

Isku soo Xooriyoo waftigaasi aya waxa la filayaa inay maantaba Galinka danbe u duulaan Magaalada New York ee ah fadhiga Q.M halkaasi oo xog buuxda ku siinayaan Masuuliyiinta ka saraysa iyo wixii ay kala soo kulmeen safaradii ay ku gaadheen Dalka somaliya.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com