riyaale.jpgHargaysa SL:- Wararka haatan nagaga imanaya Magaalada looga taliyo Maamulka Gooni isu taaga ah ee S/land ayaa waxay sheegayaan inuu Goor dhawayd halkaasi soo gaadhay Ninka hogaamiya Dawlada Gooni isu taaga ah ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iysaga  iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo waxana la sheegay inay waji gabax kala soo Kulmeen Beesha Caalamka.

Riyaale Kaahin iyo Koox uu hormuud u yahay ayaa mudooyinkan wareegaa laysanayay Dalka dibadiisa kuwaasi oo qorshohoodu ahaa inay Maamulka Somaliland aqoonsi uga raadiyaan Beesha Caalmka walaw ay arinkaasi ku fashil meen oo laga diiday Riyaale Kaahin kala qayb sanaata Dalka Somaliya.

Daahir Riyaale ayaa waxa uu safara ku soo kala bixiyay wadamo badan kuwaasi oo ay mid yihiin Dalka Ingiriiska iyo Maraykan isaga oo wadamaasi u soo bandhigay ujeedkiisa oo ahaa in Somaliland la Ictiraafo, Mr Riyaal ayaa Dalka kasta oo uu qoobka galiyo waxa uu u soo bandhiga qorshaha  ah in Somaliland Somaliya inteeda kale laga Gooyo iyada oo marnaba arinkaasi laga diiday

Dawlada Washinton ayaa ah markiiba gaashaanka ku daruurtay sida ay ugu adag tahay in Somaliland ay Somaliya inteeda kale ka goosato, waxayna sheegeen dhamaan Masuuliyiintii uu Riyaale Kaahin la kulmay inuu arinkaasi marna suuroobi karin, waxa xusid mudan in Riyaale lagaga mudahaarday magaalada Washinton ee cariga Maraykan halkaasi oo ay dhamaan soo baxeen Jaliyada Somaliyeed ee dalkaasi ku nool waxayna muujiyeen sida ay uga soo horkeedaan Fikirka uu wato Riyaale Kaahin oo ah in Somaliya lakala qo qobo.

War hoose oo aanu ka helay magaalada Hargaysa ayaa isna sheegay inay maanta markuu Riyaale soo gaadhay Hargaysa lagaga mudaharaaday iyada oo ay dad badani ka cadhoodeen sida Foosha  xun ee uu Riyaale Kaahin ugu guul daraystay inuu Somaliland aqoonsi u helo oo uu marar badan ku khudbadeeyay inuu Beesha Caalmka aqoonsi uga helayo.

Jaamac Ayaanle Feyte

Maakhir.com/ Bosaaso