kkkkkkkkkkkk.jpgBosaaso:- Hutell uu degan yahay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Sool ayaa waxa saaka is weer ka qabtay ciidanka Booliska ee Magaalada Bosaaso, kuwaasi oo ku an dacoonaya inay jeelka dhigayaan Gudoomiyahaasi, dhamaan agagaarka Hutellkaas ayaa waxa jooga ciidamo aad u fara badan.
 Gudoomiye Yuusuf Jaamac Dad ayaa waxa saaka hiirtii waa bari soo weeraray Ciidamo aad u fara badab kuwaasi oo khasba damcay inay ku geeyaan Saldhiga Xili uu gaadhi giisa ku jiray meel erida hore ah ee Hutellka uu ka Degan yahay , waxana uu bilaabay is difaac wayn isaga oo la soo baxay Baastoolad.
Taliyaha Booliska Puntland C/Casiis Siciid Gacmay ayaa halkaasi joogay isna oo Ciidankaasi hogaaminayay waxana uu sheegay inay Ninkaas la soo dacweeyay lagana rabo inuu wareejiyo hanti badan oo uu Maamulka u hayo sida Gaadhi iyo Hub loo dhiibay xiligii uu Xilka  Gudoomiyanimada ee Gobolka Sool hayay.
Gacamay waxa uu sheegay inuu diiday Ciidanka inuu raaco uu sameeyay Amar diido isla markaana si khasab ah lagu gayn doono Saldhiga Booliska.
Hotellka uu Degan yahay Yuusuf Jaamac Daad ayaa waxa lagu magcaabaa  Guull waxan irada hore uu Hotellkaasi la soo dhoobay Ciidamo aad u fara badan kuwaasi oo is weer adag ka haya Agagaarka Hotellkaasi.
Yuusuf Jaamac Daad ayaa ahaa Gudoomiyihii Gobolka Sool xili ay Maamulka Puntland ka Arimin jiray Gobolka Sool isaga oo markii la qabsaday guud ahaan Gobolka Sool u soo Baxsaday halka uu deegaan ahaan ka soo jeedo ee Xudun.
Arinta ayaa keeni karta Dagaal hore iyo isku dhac ay isku dhacaan Ilaada khaaska ah ee Gudoomiyahaasi iyo waliba Booliska Puntland ee meesha dhooban.

Makhir.com/ Bosaaso