kkkkkkkkkkkkkkk.jpgBosaaso:Xafiiska Gadiidka kireeya ee Salaama ayaa Waxaan maanta ku soo Booqanay Madax Xafiiskaasi Mudane Axmed ismaaciil gurey Waxaana uu ka waramay Axmed ismaaciil Guray Shaqada Xafiiskiisa ee ah isku Xirka Gadiidka Iyo Hay,adahaha Gaar ahaan Gadiidka yar yar ee u shaqaya Ha,adaha Caalamiga ah ee Degaanada Puntland.

Masuulkan oo aan Maanta Xafiiskiisa Su,aalo ku waydiiney ayaa waxaa uu ka waramay Sida uu iminka ugu Mashquulsanayahay shaqada iyo Agaasinka Guud ee ay wadaan iyadoo uu sheegay in Mudo laba Sano ah ay Shaqadani Soconaysey Xafiiskaasina uu yahay Mid ay isu Xilqameen gudi wax garad ah oo Si gaara ula Shaqayneysey Hay,ada UNicef ee Gobolada Puntland Sida uu noo xaqiijiyey Mudane Axmed ismaciil Xafiiskani waxaa uu fududeeyey oo u jeedadiisu ay tahay Kiraynta Gadiidka Gaar ahaan isku Xirka Hay,adaha u baahan Gadiidka Kiraayaasha ah Si Markaasi ay heshiisyadaasi Xafiisku u fududayo heshiisyada ay Dadka Wax kala kiraysanayaan ay uga Warqabaan.
Waxaa uu sheegay In Shaqadani ay tahay Mid wayn oo Run ahaatee Si fiican Dadwayanah Reer Puntland ay ugu Danaysteen iyadoon Hore loo fahamsanay Kirada Gadiidka Hay,adaha oo loo Samayo Xafiisyo gaara oo Loogu soo Hagaago Waxaana uu sheegay inay Kireeyaan Gadiidka Casriga ah ee birta adag Sida Laylo Calaawida Lancruserada iyo Weliba Gawaarida kale ee ay Hay,aduhu kiraystaan oo Loo yaqaan Istoodyada,

Xafiiska intii aan ku Sugnayn ayaan waxaan la kulanay Dad badan oo Markaasi ku guda Jira Shaqada kiratna Gadiidka iyadoo ay Hay,adduhu Soo dalbanayaan Gawaarida Nooca ay u baahan yihiin Dadabadeedna Xaqlyaha Xafiisku ay Arintaasi Qadmad ka qaadanayaan iyagoo Sahlaya in wax badani Kala Socdaan oo kala Furfurmaan waxaana uu Gudoomiyaha Xafiiskaasi Shaaca ka qaday inay arintoodu Meel wanaagsan ay umarayso walow ay iska Jireen Dhowaan Khilaafyo Dhianca Hay,adaha ah iyo Shaqla,aan iska jirta ka dib markii Dhowaan ay yimaadeen dhibaatooyin Dhanka Hay,adaha ah.
Sidoo kale waxaa Xafiiskani oo loo soo dooray ayuu Axmed Ismaciil Dad Masuuliyiin ah oo ka Runtii ka Bixi kara habsami socodka Xafiiskan shaqadiisa iyadoo buu yiri aan Nasiib wanaagsan u yeenay inaan ku Guulaysano Shaqada Xafiiskan inaan Iminka Gacanta ku qabano Guulo waawayn aan ka Gaarno iyadoo ay maanta tahay wax lugu xamdi Naqo sida ay Dad waynuhu u fahmeen hanaanka Gadiidka ay uga kiraysan Lahyeen Hay,adaha Caalamiga ah ee ka howl galada Gobolada puntland.
 
 
Maakhir.com/ Bosaaso