untitled.jpgBosaaso:- Wafti balaadhan oo ka socota Dawlada Dalkaasi Emaraadka Carbta ayaa maanta ka soo Degeya Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Bosaaso waftigaasi ayaa waxa la sheegay inuu ujeedkoodu ahaa inay Maamulka Puntland kala xaajoodaan Hawlaha Xoola Dhoofinta waxayna waftigaas u badnaayeen Ganacsato reer Khaliij ah.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha shirkada maxjarada khaliijka Xasan Al Xusani iyo xubno kale oo la socdey,Waxaana uu uga mahad Celiyey Mas’uulkan Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntland Dadaalkiisa ku aadan dhinaca Hirgelinta Maxjarka Boosaaso, waftigaasi ayaa sheegay inay u kuur galayaan dhoofinta Xoolaha Maamulka Puntland iyo sidii loo dad der galin lahaa.

Gudoomiyaha Shirkada Maxjarka Xoolaha ee ka dhisanaysa magaalada Bosaaso oo waftigaasi hogaaminayay ayaa sheegay inuu aad ugu farax san haya imaatinka Gobolada Puntland,waxa uu sheegay Mr Al Xusani in imaatinkoodu uu Salka ku hayo sidii loo soo dhaqaajin lahaa dhisida Maxjarka Xoolaha lagu xaneeyo ee lagga wado shaqadiisa Duleedka Magaalada Bosaaso.

Xasan Al  Xusani waxa uu sheegay inay safarkooda ku wahelayaan Dhakhaatiir aad ugu xeel dheer  Dhanka caafimaadka Xoolaha kuwaasi oo maamulka Puntland gacan wayn ka siinaya sidii ay Xoolahoodu u haan la haayeen kuwa tayo fiican leh.

Safarka waftigaasi ka socota Dalka Emaaradka Carbta ayaa waxa isna ku wa heliyay Wasiirka  Xanaanada Xoolaha Beeraha iyo Deegaanka Cali Jaamac Faarax (Cali Buureed) oo isaguna dhawaanahan Safar ugu maqnaan Dalka Emaaraadka waxana uu sheegay inay waftigaasi mudo joogi doonaan Gobolada Puntland.

Isku soo Xooriyoo Socdaalka waftigaas ayaa waxa uu Salka ku hayaa hawla Maxjarka laga dhisayo Magaalada Bosaaso kaasi oo ay iska kaashanayaan Shirkada Xoolaha ka dhoofisa Puntland ee lagu magcaabo Al- Furqaan iyo Shirkad kale oo laga leeyahay Dalka Emaaraadka.

Jaamac Feyte

Maakhir.com/ Bosaaso