Caabudwaaq:- Saraak sare oo ka Tirsan ciidamada Dawalada Federaalka Somaliya ayaa waxa xalay fiidkii lagu dilay Magaalada Caabudwaaq, xili uu ku sugnaa gurigiisa hortiisa waxana la sheegay inuu dilkiisa gaystay nin dhalinyaro ah oo markaasi garab uu u sudhnaan qori nooca loo yaqaan AK47-.
Bashiir Jaamaca Gurbe (Waadad Yare) ayaa waxa rasaas madax kaga furay nin hubaysan wakhti uu jooga Gurigiisa meel u dhaw lama garanayo ujeedka rasimiga ah ee Dilka ninkaasi ka danbaysay
Warar xog ogaal ah ayaa waxaa ay sheegayaan dilka caawa loo geeystay marxuun Wadaad yare in uu lug ku leeyahay aano qabiil, midaasoo soo noq-oqonasyay sanadihii ugu danbeeyay.  Sidoo kale ninkii geystay dilka ayaa ilaa iyo hada aan gacanta lagu hayn, balse saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay wadaan baadhitaano xoogle oo ay ku soo afmeerayaan ninkii dilkaasi ka danbeeyay.

Magaalada ayaa had degan waxaana furan dhamaan gobihii ganacsiga in kastoo si weeyn loo dareemayo in ay soo siyaadayso coladii awalba aan dhamaan ee u dhaxaysay laba beelood ee wada dagan magaalada Caabudwaaq kuwaasi oo tira ka dhawor jeer dagaal dhex maray.
 
 
Maakhir.com

Xafiiska, Caabud Waaq