un.jpgMarka:- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Marka ayaa waxay sheegayaan inay maanta halkaasi ka soo Degeen wafti balaadhan oo xaqiiqa raadis ah kuwaasi oo mudooyinkan Maraya Gobolada Dalka Somaliya,waxa la sheegay inay waftigaas shir dheer la qaateen Masuuliyinta Degamada iyo kuwa Gobolkaba.

Wafdigani waxa ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee No50, waxaana ay kulamo la qaateen saraakiisha ciidamada iyo madaxda maamulka ee gobolkaasi Shabellada Hoose,oo ay ka wada hadleen sidii deeqada WFP loo gaarsiinlahaa dadka loogu talagalay ,markaasna amaankeeda ay udaamanqaadi lahaayeen Madaxda Maamulka gobalka Shabeelada Hoose iyo Ciidamada amaanku.

Dhanka kale waftiga xaqiiqa raadiska ayaa iyana kulan dheer la qaaday wax garadla deegaanka kuwaasi oo ujeedkoodu ahaa inay ka wada hadlaan sida ugu haboon ee ciidamada Nabad ilaalin ah loo keeni lahaa Dalka Somaliya kuwaasi oo bedeli doona kuwa haatan jooga ee ka socda Midaw Afrika.

Wararka hordhac ah oo ka soo baxay kulankaasi ay yeesheen Masuuliyiintaasi ayaa waxay sheegayaan inay aad isugu af garteen dhaman qodabadii ay isal soo qaadeen kuwaasi oo ay ugu horeeyaan ciidama keenida dalka Somaliya.

Maamulka Shabellada Hoose ayaa kulamadii ay la qaateen waftiga ka socda Q.M  waxa ay sheegeen in lo baahan yahay in dalka Soomaaliya la keeno ciidamo nabad galayada suga, maadaama ay wada hubaysan yihin dhamaan beelaha Soomaaliya si Dalka loogu soo dabaalo Nabad waarta.

Jaamac Feyte

Maakhir.com/Bosaaso