somalibolis.jpgBaladwayne:- Wararka aanu ka helayno magaalada Baladwayne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan inay jiraan Malayshiyo aad u hubaysan kuwaasi oo Gaadiidka ku sameeyay Jid gooyooyin,waxa la soo sheegayaa inay dadka halkaasi  ku safraya ay ka qaadaan Lacago aad u fara badan,iyaga oo waliba ku sameeyo Tacadiyo xoogan.

Warar xogogaal ah oo aanu ka helayno Deegaankaasi ayaa noo xaqiijiyay inay yihiin Malayshiyo beeleedyo doonaya inay Fooda ka abuuraan deegaankaasi, kuwaasi oo tira ka dhawor jeer arinkaasi oo kale ah ku dhaqaaqay.

Waxa la sheegay inay shalay galinkii danbe ay Malayshiyadaasi ay dhac iyo Boob u gaysteen gaadhi Bas ah kaasi oo ku safrayay wadad ay si baarada dhigteen,waxa la soo tabinayaa inay Gaadhigaasi ka qaadeen Hanti wixii uu siday iyo waliba iyaga oo dhawaac u gaystay Dareewalkii gaadhigaasi waday.

Maleeshiyo Beeleedkan ayaa waxay  dhowaan kamid ahaayeen Ciidamad Maamulka Gobolka balse haatan umuuqda kuwo kamadax banaan Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan  waxeyna dhowaan rasaaseyeen Ciidamadii  laga soo daad gureeyay Gobolada Puntland halka lagu magcaabo Carmo oo ah Kuliyada lagu Tababaro Ciidamada Booliska Somaliyeed.

Isku soo wada duuboo Maamulka Gobolka ayaan ilaa haatan wax jawaab ah ka soo saarin arinkaasi ay ku dhaqaaqeen Malayshiyadaasi dadka dhibaatada u gaysanaysa.

Jaamac Ayaanl Feyte

Maakhir.com