ann.jpgNairobi:-Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan, ayaa ku sugan magaalada Nairobi, halkaasi oo uu wada hadalo kula leeyahay dowladda iyo hogaamiyeyaasha mucaaradka, si uu isugu dayo xal in loo helo dhibaatada siyaasadeed ee ka dhalatay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay dalkaasi Kenya.

Koofi Annan ayaa haatan waxa uu ku sugan yahay Dalka Kenya halkaasi oo mudooyinkan jooga waxa ay tahay ujeedadiisu inuu u kala Dab qaado Labada garab ee ku loolamaya Siyaasada Dalka Kenya kuwaasi oo khilaafkoodu gaadhay meel aaad khatar u ah.

Mr Annan waxa uu sheegay in aanu wali heyn wax jawaab ah, laakiin uu ku adkeysan doono xal in loo helo mashaakilka ka taagan Kenya, si loogu daneeyo Kenya iyo dadkeeda kuwaasi oo ay wali sii socdaan dhibaatooyinka ka taagan dalkaasi iyaga oo khasaare lixaadle uu Dalkaasi soo gaadhay.

Kofi Annan ayaa sheegay inay adag tahay sida loogu kala dab qaadayo labaasi Siyaasi ee ku loolamaya Korisga Dalka kenya isaga oo sheegay inuu aad u diidan yahay wada hadalo Ninka lagu magcaabo Rali Odinga oo ah Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee ODM.

Mr Annan ayaa sheegay in aad loogu soo eedeeyaya Madaxwayni Mwai Kibaki inuu ku shubtay Doorashadii Dalkaasi oo aanay si Cadaalad ah u dhicin, halka ay Gudigii doorashada loo xil saarayna sheegayaan inay doorashadaasi si caadi ah u dhacday.

Jaamac feyte

Maakhir.com/ Bosaas