unh.jpgNirobi:- Hay’ada Qoxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in todobaadkan oo kaliya ay xeebaha Dalka Yaman ku geeriyoodeen dad gaaray 130- ruux oo soomaali ah kuwaasi oo doonayay in tahriib ahaan ay ku galaan dalkaasi, Hay”addu waxay sheegtay inay dadkaasi ku jiraan carruur iyo haween.

In ka badan 130 ruux oo Soomaali ah oo isku dayayay in ay ka baxsadaan mashaakilaadka ka taagan dalka Soomaaliya ayaa dabayaaqadii todobaadkii tagay ku geeriyooday xeeebaha isku xira Yemen iyo Soomaaliya kadib markii ay la qallibmeen doonyo ay saarnaayeen, dadkaasi ayaa dhamaan tood ku shuf beelay xeebaha Dalka Yeman.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in dadkaasi lagu qasbay in ay badweeynta isku tuuraan si qasab ah iyagoo loo adeegsaday Budhadh,waxana arinkaasi ku kacay Maalayshiyaadka Tahriibta u dhoofiya Dalka Yeman, inta badan dadkaasi waxa Bad waynta ku daadiyaya shaqaalaha Doonyaha ay soo raacaan.

Hay”addu waxay sheegtay inay Dadka ugu badan ee ka taalaba Xeebaha Dalka Yeman ay si toosa uga dhoofaan Deenada Maamulka Puntland kuwaasi oo la yaqaan Goobaha ay ka boqoolaan, mana jiraan bay leedaha UNHCR cid hawshaas is hortaagtay oo baajisay masiibadaasi xoogan.

UNCHR ayaa waxay sheegaysaa inay dadka tahriibta ahi ay dhibaatada ka taagan Dalka Somaliya ka soo cararayaan kuwaasi oo naftooda la raadinaya meela ay ku Nabad galaan.

Hay”addaasi waxay sheegtay in Dawlada Somaliya Looga baahan yahay inay sameeyaan Baraanaamiji loogu magac daro Dibu Dejinta Dadka soo barakcay kuwaasi oo ay ka faaiidaysan lahaayeen Kumanaan Ruux oo oo dagaalada Sokeeye ee Somaliya ka oogan ka barakacay.

UNCHR ayaa waxay wadaa qorshe ah inay Xafiisya ka furtaan Dhulka xeebaha ee ku teedsan Badawaynta Dalka Yeman si ay gargaar u siiyaan Kumanaanka Ruux oo ku dhimanaya xeebahaasi.

Dhanka kale ciidamada ilaalada ka ah Xeebaha Dalka Yeman ayaa waxa ay dhawaan Bilaalbeen hawlgal balaadhan oo ay ku ugaadhsanayaan Doonyaha Yar yar ee soo dada gureeya dadka Tahriibta ah ee ku soo qul qulaya Xeebaha Dalka Yeman.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com