bbc.jpgMuqdisho:- Ilaa 3-Hubiye oo kala dan danbeeyay ayaa maanta lagu tuuray Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, Madaafiic ayaa waxa la sheegay in sidoo kale lagu tuuray Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport,iyaga oo ay sheegeen Saraakiisha Dawladu inaanay jirin wax khasaare ah oo la taaban karo oo ay gaysteen Madaafiicdaasi.

Dhinaca kale, dhawr madfac ayaa iyana ku dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho, sida uu Saxaafada u xaqiijiyay Afhayeenka ciidamada Midowga Africa ee Muqdisho jooga, iyadoo mid ka mid ah madaafiicdaaasi oo ku dhacay xaafad u dhaw garoonka uu ku dhintay wiil 13 jir ah, laba qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay Madaafiicdaasi ay soo tuureen kooxaha ka soo horjeeda Dawlada Somaliya kuwaasi oo rabay inay qas iyo fooda ka ridaan gudaha Caasimada Somaliya ee Muqdisho.

Hubiyaashaas ayaa waxay ku soo aadayaan xili ay magaalada Muqdisho ku sugan yihiin Wufuud sare oo ka tirsan Midawga Afrika iyo waliba Raisalwasaare Nuur Cadde oo isana halkaasi joogay, waxan la soo tabinayaa inay kulan wada qaadeen waftigaasi iyo Raisalwasaare Nuur Cadde walaw aan saxaafada loo soo bandhigay  ujeedka kuwaad ee ay labadaasi Garab ka wada hadleen.

Weerarradan ayaa waxay u muuqataa in lala beegsanayo, wafdigan ka socda Midowga Africa, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha KMG ah Nuur Xasan Xuseen, iyada oo dhamana Amaanka Villa Somaliya aad loo adkeeyay.

 

Jaamac AYaanle

Maakhir.com