kkkkkk.jpgBosaaso:- Koox Isimaha oo ka socota Gobolka Sool ayaa waxa la filayaa inay maalinta bari ah la kul maan Xukuumada Puntland iyaga oo haatan ku sugan magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari, Isimadaasi ayaa waxa la sheegay inay ka mid yihiin kuwo si wayn looga yaqaan Gobolka Sool.
Warka ku saabsan Amuurtaasi ayaa waxa uu intaasi ku darayaa inay Isimadaasi   iyo Maamulka Puntland ay aad diirada u saari doonaan  Xaalada Gobolka ay dagaaladu ka oogan yihiin ee Sool kuwaasi oo Maamulka Puntland ka dalbanaya inuu xaaladaasi wax ka qabto.
Suldaan Garaasi oo ka mid ah Ismida ku sugan magaalada Bosaaso ayaa saxaafada u sheegay inay maamulka Puntland ay isla soo qaadi doonaan arimo badan oo ay ugu horayso xaalada ka taagan Gobolka Sool iyo walibana arimo badan oo aanu markaasi carabka ku dhufan.
Suldaanku waxa uu sheegay inay Xaalada Gobolkaasi ay tahay mid Guracan oo u bahaan in wax laga qabto marka loo eego arimaha colaadeed ee soo foodsaarta Gobolka iyo waliba dhibaatada sii xoogaysanaysa ee haysta Bulshadii ku dhaqaynayd Gobolkaaasi oo barakac iyo Nolol xumo ku hayso Banaanka Gobolka Sool.
Ismidan ka socoda Gobolka Sool ayaa waxay magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari soo gaadheen maalintii shalay kuwaasi oo shirar goos goos ah la yeeshay qaybaha ka duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Bosaaso.
Si kastaba ha ahaatee Kulankaasi ay yeelan doonaan Isimada Gobolka Sool ee Maamulka Puntland ayaa waxa la filayaa inuu qabsoomo maalinta Bari ah,iyada oo la sheegay in kulankaasi si wayn loogu jeex jeexi doono xaaladaha Gobolka Sool ee ay Dagaaladu la degeen.

Xafiiska- Boosaso

Advertisements