bb1.jpgBosaaso:- War Deg Deg ah oo haatan na soo gaadhaya ayaa sheegaya in la sii dayaya wariye C/kiixiin Yuusuf Macalin oo ka shaqayn jiri Idaacada SBC ee magaalada Bosaaso, waxana la soo sheegayaa inuu goor dhawayd ooda ka qaaday wariyahaasi Taliyaha Booliska Puntland C/ Casiis Siciid Gacamay oo sheegay inay dib baadhitaan ugu samaynayaan sababa ah keentay in la xidho wariyahaasi.

Siideynta wariyaha ayaa waxaa gacan geystey Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland C/Casiis Siciid (Gacamey) oo si deg deg ah amar ku bixiyey in la siidaayo wariye C/xakiim Yuusuf Macalin (jawi degan) waxana la keenay goobta uu ka hawli gali jiray ee Idaacada SBC.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geele Yuusuf (Faroole) ayaa ka hadlay xadhigaasi waxana uu sheegay inay maamulka Puntland bari ka yeelan doonaan kulan dheer xadhiga lagula kacay wariyahaasi, Mr Faroole ayaa sheegay in saxayo wixii khaldan dhankay doontoba ha ahaatee

Maakhir.com/ Bosaaso