kkkkkkkkkkk1.jpgGaroowe:- Maamulka Puntland ayaa ka hadalay markab habeenkii labaad lagu haysto xeebta Degmada Ayl ee Gobolka Nugaal waxayna sheegeen inay markabkaasi ay Afduubeen budhcad Somali ah oo lagu sheegyay ilaa 8- Ruux.

Gudoomiyaha goblka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo maanta Shir jaraid Kuqabtay Xafiiskiisa ee magaalda Garoowe ayaa waxa uu kaga hadlay islamarkaana kusheegay Shirkakan Jaraid in Markabkani ukireysnaa Nin Ganacsade ah Oo reer Puntland ah laguna magacaabo C/risaaq shahdoon Cali yare, gudoomiyuhu waxa uu intaasi kudaray in ay saarnaayeen Markabkani 4.ajinabi ah iyo 3.Soomaali ah kuwas oo ay dhamaantood dhamaayeen 7.qof.

Halka ay kayihiin Afduubeyaashuna 8.Burcad ah oo ay ku heystaan degmada Eyl Ee katirsan Gobolka Nugaal waxauuna Gudoomiyahu sheegay in Markabkani lagaleeyahay Dalkaasi Cumaan .

Ilaaiyo haatan lama oga In ay Afduubayaashu Ay sheegteen Wax madax Furasho Ah inkastoo uu Sheegay Gudoomiyahu in ay waan waan kula jiraan siideynta markabkani kooxda Afduubeyaasha ah .

Marka Laga yimaado Afduubkan ayaa waxa ay maamul Goboleedka Puntland horay uga so sartyay Qodobo kuaadan Burcad badedka oo markaasi Cidii lagu arkaona Burcad baded ama Falkulid ah Dowlada Goboleedka puntland Ay talaabo sharci ah kaqaadeyso islamarkaasna aysan waxba Kasoo naaso cadaan .

Maamulka Puntland ma aysan sheegin inay budhcadaasi waan waan ay wali la galeen iyo in kale.

Maakhir.com/ Bosaaso