suharto.jpgJakart:- Madaxwaynihii hore ee Dalka Indinosi a ayaa ku geeriyooday maanta Caasimada Dalkaasi ee Jakaart waxa la sheegay inuu mudo jeefay dhulka oo uu xanuunsanay ka gadaal markii laga qabtay Sanbabada horaantii sanadkii 2004- markaasi oo la dhigay Cisbitaal ay Dawladu leedahay oo dalkaasi ku yaala.

Suharto wuxuu ku dhintay isaga oo jiray 86-sano jir wuxuuna la xanuunsanayay guul darro is xigxigtay oo kaga timid neefsashada.

Muddo 32- sano oo uu Indonesia xukumayay wuxuu ku guulesytay kobcinta dhaqaalaha waddanka, hase yeeshee kumaan kun oo dad ah ayaa la sheegay inay gacantiisa ku maqan yihiin oo la dilay.

Suharto wuxuu talada ka degay 1998-dii waqtigaasoo ay dalka ka dhaceen mudaaraadyo isaga lagaga soo horjeedo kadib markii la sheegay inuu ku kacay Musukhmaasukh iyo ku takrifal xuquuqda aadanaha oo uu kumanaan ruux dilay.

Laakiin Maxkamad lama soo taagin caafimaad xumo ku timid awgeed oo la sheegay inay haboonayn in Maxkamad lagu qaado maadaama uu Sariir jiifay oo xanuun sanayay.

Wiil uu dhalay oo lagu magcaabo Ahmed Suhurto ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in abihii xanuunka uu u geeriyooday uu ahaa mid ka asiibay sanbabka uuna mudo yaalay cisbitaal.

Mr Suharto ayaa la filayaa in isla waacba loo sameeyo Aas qaran isaga oo ay aaskiisa ka soo qayb galayaan Kumanaan ruux oo dalkaasi u dhashay kuwaasi oo durba bilaabay u diyaar garawga Aaska Marxuunkaasi.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com