ff.jpgCeerigaabo:- Xaflad balaadhan oo lagu furayay shirkadda isgaadhsiinta ee telcom ayaa maanta ka dhacday hool aad u wayn oo ku dhexyaala magaalo madaxda G. Sanaag ee Ceerigaabo xafladaas ay kasoo qayb galeen masaxda gobolka, cuqaasha, odayaal dhaqamedka, ganacsatada, dhalinyaradda iyo waliba hawaynka.

Xafladan ayaa ugu horayntii waxa ka hadlay masuuliyiinta shirkada Telecom iyagoo sheegay inay ka haqab tirayaan baahiyaha kala ah mobile GSM, fixed line iyo internetka iyo waliba korontada

Waxay kaloo sheegeen in ay wada gaadhsiin doonaa dhamaan inta gobolka hoos timaada oo dhan, xafladaas ayaa waxa lagu gudoonsiiyaya dad gaadhaya 15 qof mobile iyo simcard is wata oo uu kula hadli karo meelkasta oo caalamka ka mid ah.

Xafladan ayaa waxa ka hadalay Suldaan Siciid S/ salaan oo sheegay inay waxtar wayn u leedahay G/ Sanaag waxa kaloo uu suldaanku ku daray in lasoo kordhiyao horumarka gobolka oo dhan

Dhanka kale magaalada Ceerigaabo ayaad waxaad moodaa in ay ku soo badanayaan shirkadaha isgaadhsiineed oo ay hore uga jireen shirkadda Golis, Samtel iyo STC

Shirkadahaas oo wax tar wayn u keenay gobolka iyagoo ka qayb qaatay dhinaca horumarka bulshada sida, caafimaadka, waxbarashada iyo shaqaalaynta dhalinyaro aad u farabadan

Ugu dambayntii magaaladann oo ah magaalo madaxda g/ sanaag oo ay ku yaaliin dhulkii dalxiiska iyo buurtii surud oo ah buurta africa ugu dheer
cadnaan dhoolay

Maakhir.com/ CEERigaabo