dabo.jpgBala-wayne:- Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu ka hadlay xaalada Amaan ee Gobolka Hiiraan waxana uu sheegay inay dhawaan dagaal ka dhaceen duleedka Magaalada Xarunta ah ee Balad-wayne halkaasi oo ay fooda isku dareen Ciidamada Dawlada Somaliya iyo koox mudooyinkan duurka ku jiray.

Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba Geed) ayaa war baahinta ku la hadlay magaalada Balad-wayne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxa uu daboolka ka qaaday inay jiraan xoogaa Amaan xumo ah oo ka jira Gobolka kuwaasi oo ay sabab u yihiin Kooxa xidhiidh dhaw la leh All-Shabaab oo ku sugan duurka miyiga ah e Deegaankaasi.

Dabageed wuxuu kaloo canbaareeyey dilkii loo geystay Taliyihii nabadsugida ee dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ee gobalka Hiiraan oo habeen hore lugu dilay Magaalada Baladweyn ee Xarunta Hiiraan waxana uu sheegay inay dilkaas Gayteen kuwa uu ku til maamay inay logaha hayaan hanaaka nabada ee Dalka Somaliya.

Mr Dabageed waxa uu kaloo uu sheegay inay wadaan baadhi taano xoogle oo lagu soo afmeerayo dadkii ka danbeeyay dilkii Taliyihii Nabad sugida ee Gobolka Hiiraan, waxa uu sheegay inay ciidamo badan ay amar ku siiyeen inay baadhaan dhamaan goobaha laga shaki qabo oo dhan.

Dhanka kale waxa uu hadalkiisaa ku soo qaaday dalkaasii ka dhacay duuleedka magaalada Balad-wayne isaga oo sheegay inay ku dhinteen walaw aanu sheegin dadkaasi haybtooda.

Jaamac Ayaanl

Maakhir.com