bbbbbb.jpg Bosaso:-Jaamacada Bariga Africa ee Bosaso ayaa habeenimadii Xalay ahayd waxa ay Xaflad Xilalka kula Kala wareegayaan Maamul Cusub Iyo Maamulkii Hore ay ka dhacday Hoolka Shirarka ee Jaamacada Waxaana ka soo Qaybgalay Masuuliyiin Badan oo dhamantood Danaynayay Ka Qaybgalka Xafladan Muhiimka u ah Waxbarashada Bosaso.

Ugu Horayn Xafladaasi Xil Wareejinta Waxaa ka hadlay Gudoomiyihii Jaamacada Bariga Africa ee xilka areejinayay Dr. C.qaadir Mahamed Cabdala oo ka sheekeeyay Waxqabadkii uu qabtay tan iyo intii uu xilka hayay isaga oo ku faanay in isagu uu ahaa nin aad uga shaqeeyay sidii ay jamacadu ictiraaf caalami ah u helilahayd si kor loogu qaado Magaca Jaamacada Bariga Africa.

Dhinaca waxaa isna hadalka kadaba qaatay Dr. Axmed Xaaji C.raxmaan oo ahaa Ku Xigeenka Jaamacada Bariga Africa ee Bosaso Waxaan u axmed uu ku Nuux Nuuxsaday horumarkii ay jaamacadu ku talabaasatay waxa uu tilmaamay in ay goobo Iyo Jaamacado Caalami ah ay haatan xiriir qoto dheer Jaamacadu la leedahay.

Waxaa sidoo kale Halkaasi Goob jog ka ahaa masuuliyiin Badan oo Leh Madax ka tirsan Xukuumada Iyo Ganacsato Caan ka ah Bulshada Dhexdeeda Iyaga oo dhamaan Dadkaasi ay sheegeen In ay aadan ugu Riyaaqeen Waxqabadka Jaamacada Bariga Africa Ee Bosaso.

Ugu Damayntii Waxaa hadalkii soo Xiray Gudoomiyaha Cusub ee Jaamacada Barica Africa Dr. Mahamed Jaamac oo isagu ah Nin Qurbaha Muddo Badan ku maqnaa waxna ku soo Bartay Waxaana uu balan qaaday in halkaasi ka sii amba qaadi doono Waxqabadka Jaamacada Marka uu xilka wareejinayona uu xaflad noocaan oo kale Isna qabanayo.

Dhamaan Masuuliyiintii ka soo qaybgashay Xaflada ayaa waxaa lagu soo wareejiyay Dhamaanba Qololka ay Iyo Hoolalka Ay Jaamacadu ka kooban tahay oo ah mid Meel Balaaran ku fadhiya.

Maakhir.com