Garoowe:- Waxa wada hadal toosa uu dhex maray Budhcada haystay Markabka lagu Afduubay Xeebta Degmada Ayl ee gobolka Nuugaal iyo Maamulka Puntland waxana la sheegay inay Budhacadaasi dal banayaa Lacago Badax furasho ah kuwaasi oo ay ku an dacoonayaa inuu Markabkaasi yahay mid  Ajaaniba ah isla markaana uu Jariifayay Xeebaha Maamulka Puntland.

Markabkaasi ayaa waxa iska leh Ganacsade ree Puntland kaasi oo lagu magcaabo C/saaq Cali Yare (Shaah doon) isla markaana ahaan jiray Wasiirkii hore ee Dekedaha iyo Kalluumaysiga Maamulka Puntland,waxana uu sheegay inay wada hadal la sameeyeen kooxaha Markabkaasi qafaashay isaga oo sheegay inay xidhiidhkaasi ay wadaan xubno ka tirsan Maamulka Puntland oo isaga hawshaasi garab ku siinaya.

Gudoomiyaha Degamada Ayl oo ah Deegaanka ay masiibadaasi ka dhacday ayaa isana war baahinta u sheegay inay xidhiidh toosa ah la sameeyeen kooxahaasi balse ay sheegteen inay doonayaan Lacago aan markaasi Carabka ku dhufan.

Cali C/laahi  Gudoomiyaha Degamada Ayl waxa uu carabka ku dhuftay inay mar walab sii laba ji baarayaan xidhiidhkooda si ay ugu  sahlanaato in la soo daayo Markabkaasi iyo shaqaalah saaran oo Nabad qaba.

Markabkan oo la qafaashay isbuucii aan soo dhaafnay ayaa waxa la sheegay inuu ahaa mid Kalluumaysi isla markaana ah laga leeyaha Dalka Indanosia,waxana saarnaan shaqaali Somaliya iyo Yeman isugu jiray.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com