gug.jpgMuqdisho:- Afhayeenkii Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Nuur ayaa xalay waxa dilay koox aan la aqoon habtooda,waxana la sheegay inay dileen xili uu ku sugnaan goob laga cabdo shaaha oo ku taala badhtamaha suuqa Magaalada Muqdishi.Marxuum Cabaas Galeyr oo xilkan qabten dhawaan ka dib markii la diley Afhayeenkii hore ee maamulka Gobolka Banaadir Max’ed Muxiyadiin Cali, iyadoo dilalkan ay yihiin kuwa u muuqanaya in si gaar ah loo beegsanayo xubnaha maamulka Gobolka Banaadir.

Lama garanyo dadka dilkaas gaystay balse waxa jira dadaalo dheeraad ah oo ay wadaan Booliska Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku raad jooga dadkii falkaas gaytstay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb  Maxamed (Dheere) ayaa ka hadlay dilkii Afhayeenka waxana uu sheegay inay dilkaas gayteen kuwa aan waxba aqoon oo doonaya inay Caasimada Somaliya ka abuuraan dagaal iyo qas waligi sii socda.

Maxamed Dheere waxa kaloo uu sheegay  inay wadaan baadhitaano xoogle kuwaasi  ay soo qabanayaa ragii falkaas gaytay,isaga oo rajo fiican ma muujiyay inay soo afmeerayaan.

Maakhir.com/ Muqdisho