ttttttt.jpgBadhan:Waxaa warsaxafadeed ka soo Baxay Taliska Booliska Somaliyeed ee Maamulka Makhir state lugu Beeniyey Warar laysla Dhexmarayey oo Shegayey In Degnada MSS ee Stateka Sanaag ay yimadeen Ciidamo Ka soo Jeeda Somaliland iyo Puntland oo ku Muransan Ka talinta Gobolkaasi iyadoo Wararku Shegayaan In Markaasi Maamulka Hargaysa uu la baxsaday Gaari ay Leeyihiin Ciidanka Maamulka Puntland.
Hadaba Intaasi ka Dib ayaa Waxaa ka soo Baxay Xafiiska Taliska Guud ee Maakhir Warsaxafadeed ku aadan Xaaladaha Amaan ee Gobolka Sanaag kaasi oo lugu Beeninayo Wararka Sheegaya In Ciidamada Puntland ay Ku Muransanyihiin Gobolka Sanaag Gaar ahaan Degmada Badhan ee ah Fariisinka Dowlada Maakhir state.
Qaar ka mida Saxaafada Gudaha ee Gobolada Puntland ayaa Maalmihii aan Soo Dhaafnay Waxaa ay Baahinayeen Warar Sheegaya In Gacan ku Haynta Xarunta Dowlada ee maakhir ay Soo Gareen Ciidamo Somaliland ah oo Fakad la ah Gaari ay leeyihiin Ciidanka Amaanka ee DGPL.
Xiriiro kala Duwan oo aan La Samaynay Maamulka Maakhir iyo Puntland ayaan ku Ogaanay Deganaansha Gobolka Sanaag Gaar ahaan Degmada Fariisinka u ah Dowlada ee Badhan Inay Xaaaladaha Degaanku yihiin kuwo aad u Degan Walow Warka ka soo Bxaya Xafiiska Taliska Booliska Somaliyeed ee Maakhir state uu yahay Mid Cad oo ka turjumaya Xaqiiqada Dhabta ee Jirta Sababo la Xiriira Ka warqabka Degaanka Awgeed Taliyaha Ciidanka Booliska Maakhir Cali Sanaag Waxaa haatan ku sugan yahay Degmada Badhab ee Xarunta u ah Dowalda Maakhir state Waxaan uu Beeninayaa Inaaney Jirin Wax kala Qaybsanaan ah o Gobolku uu Haatan tebeyo.
Waxaan Gashaanle Sare Calis Sanaag Bartamihii Bishii aan Soo Dhaafnay uu ku shegay Shir jaraaid oo uu ku qabtay Xarunta Booliska Somaliyeed ee Maakhir state Gaar ahaan Xafiskiisa Magaalada Badhan ee u ah Fariisinka Dowalad Goboleedka Maakhir,Inaanay Xaq u lahayn Inay ku soo Xad Gudbaan Maamulada ay Walaaltinimada iyo Derisnimada ka Dhexayso Madaama ay hore uga Gabiyeen Wax qabadkii iyo Geedi Socodkii Gobolka Waxaa Yiri G/Sare Cali Sanaag Ma u dul Qadanayno Inaad Xadgudubkale Nugula soo Daaalaa Dhacdaan Idikoon Hore u Xiirin Wixii aan Deriska iyo Dowalda ku wada ahayn Iminka Gobolku uma Baahna Wax Maamulka ah Waa Allxamdulilaah ,Cidii garan wayda Waygeeda Waxaan la Garnaynaa Wax ay Doonayso Hayday tahay 2 Maamul ee ay kala leeyihiin 2 Reer Waqooyi iyo Bari Waa isugu kaaya Mid Mana Doonayno Inay Arimahayaga isoo talabaan.

wariyaha, Mataxtooyada
Maakhir.com/ Badhan