mmmmmm.jpg Badhan : Galabta ayaa xoghayaha warfaafinta ee Maamul goboleedka Maakhir ee Soomaaliyeed Inj. C/risaaq Maxamed Cali uu magaalada Badhan kulamo kula yeeshay masuuliyiin isugu jirta Xoghayaal , ciidamada Boliska, maamulka heer gobol iyo heer degmo, waxana ay shirkaas ku kala qaateen xogwaraysi labada dhinac ah dal iyo dibadaba.
Sidoo kale waxa uu xoghayuhu caawa shir khaas ah la yeelan doonaa madaxweynaha MSS, si ay u dhamaystiraan xog is waydaarsiga iyo talooyin ku saabsan marxaladda ammaan ee dalku marayo.
dhanka kalena , waxa maalinta berri ah uu madaxweyne Jibriil shirar la yeelan doonaa duqayda magaalada Badhan iyo cuqaasha , si loo mideeyo aragtida difaaca dalka iyo ilaalinta nabadgelyada gobolada Maakhir State.
Waxana la filayaa in kulamadaas ka dib uu maamulka Maakhir State soo saari doono war saxaafadeed ku aaddan waxyaalihii kulamadaas ka dhashay iyo adkaynta ammaanka.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com